Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Sheegay In Dhawaan Keeni Doonaan Cusub Oo Laga Dhageysan Doona Gobollada Wadanka Oo Dhan.
Hargeys) Mar. 08, 2011- Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacgalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta sheegay in dhawaan la keeni doonaan dalka idaacada wada gaadha gobollda oo dhan, taasoo lagaga hortagi doono dacaayadaha uu cadawgu faafinayo.
Wasiirku waxa uu hadalkani ka sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimid Somaliland, isaga oo sheegay in idaacadaasi hawsheedu hada bilaabantay, isla markaana uu rajaynayo in la keeno bilaha fooda inagu soo haya oo ay ka go’antay keenideedu.
Waxa uu intaas ku daray in tababar loo furay hawlwadeenada ka shaqayn doona idaacada cusub, kuwaas oo la siin doono casharo la xidhiidho daryeelka iyo dayactirka idaacadaha, maadaama oo loo baahan yahay in dadka ku nool Somaliland ay tahay in ay si isku mid ah ula socdaan dhacdooyinka wadanka ka dhaca.