Marwada madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukumada oo xalay ka qayb galay xaflad lagu maamuusaayo maalinta haweenka addunka oo lagu lagu qabtay maansoor hotel
Hargeisa (maantasomaliland )-xaflad aad u Balaadhan oo lagu maamuusaayey Maalinta Haweenka Aduunka 8 march ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeisa, Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Marwadda Koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris, Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sh.Khaliil C/laahi Ismaaciil, Wasiirka Wasaaradda iyo tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Masuuliyiin ka socotay Akadamiyadda Horumarinta iyo Nabadda, Hogaanka Ururadda Haweenka ee Now iyo Nagaad, Qaar ka mid ah Fanaaniinta Qaranka Somaliland, ururadda Bulshadda iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.
Munaasabaddaasi oo isugu jirtay Casho Sharaf iyo Xaflad kale oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda, Dalladda Ururadda Haweenka Somaliland ee Nagaad, Urur waynaha Haweenka Qaranka ee Now iyo Akadamiyadda Horumarinta iyo Nabadda, hal ku dhiga sanadka loogu magacdaray ayaa ahaa Horuminta iyo Kor uqaadida Aqoonta Hablaha Somaliland.
Marwadda Koowaad ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamin Sh.Maxamed Jirde (Aamina Waris) ayaa Hambalyo u Dirtay Haweenka somaliland meel kasta oo ay joogaan Xuska boqol guuradda ka soo wareegtay maalinta Qaramada midoobay u qoondeeyeen Haween waynaha Aduunka ee 8 march, Marwo aamina waxa ka warantay Taariikhda maalintani iyo sidii ay ku timi in la xuso iyada oo sheegtay in Dumarku aduunku soo mareen dhibaatooyin badan ku waasi oo Caqabad ku ahaa Xoriyadooda, marwadu waxay intaasi ku dartay in Dumarka Aduunka maalintani tahay maalintii loo Ogolaaday inay ka Qayb gali karaan Siyaasadda Dalalkooda waxaa kale oo ay sheegtay in wali socdo Dadaalka Dumarku oo Wadamo badan oo dunida ka mid ah ay dumarku dhibaato ku qabaan sidaa awgeed wali ay ku jiraan sidii ay xoriyadooda uga heli lahaayeen Wadamadaasi.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Khaliil C/laahi Ismaaciil oo markii ugu horaysay xalay hadal ka jeediyay munaasibadan lagu Xusayey Maalinta Haweenka Aduunka 8 march, ayaa ka warmay kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshadda gaar ahaana Hooyadda oo uu sheegay inay qiimo wayn ku leedahay bulashadeena laf dhabarna u tahay, waxa kale oo uu ka wamay dhibaatooyinkii ay dumarku soo mareen wakhtigii casrul jaahiliga ee dumarka oo nool la xabaali jiray, Wasiirku isaga oo Arimahaasi ka hadlaya Waxa uu yidhi “Walaalayaal waan idinla tiirinaynaa maalintiinan waxa laydinka martiyaana waa waano iyo duco sidaa ay dadkii iga horeeyay Xuseen waxaan ku dari lahaa uun Rasuulkeen suubani scw waxa uu sheegay qiimaha ay dumarku ku leeyihiin dunida, markii ay diinta islaamku timid haweenka aduunka oo dhan waxay ku jireen dhibaato aad laxaad leh oo waliba in uu quraanku tilmaamay ee ilaa imika kusii jira waxay ahayd arin murugo leh oo ahayd in inantii oo nool la xabaal aaso ama la xabaal ololiyo oo god lagu aaso”.
Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland oo Khudbad dheer ka jeediyay madashaasi ayaa aad ugu dheeraaday Qiimaaha Dumarka ee Quraanku inoo sheegay iyo ciqaabta ka dhalan doonta Dhibaatooyinkii loo gaysan jiray dumarka oo uu xusay in maalinta qiyaamaha la soo taagi doono ninkii gabadh xabaalay waxaanu yidhi “Waxay u arkayeen nimankii mushrikiinta ahaa ee ilaahay ka fogaaday ee rumayn waayey inay gabadha u tahay sharaf lakiin may ahayn sidaasi ilaahayna wuu ku canaantay waxaanu tilmaamay inuu maalinta yoomul qiyaamaha su aal adag ka waydiin doono arintaas,isagoo odhan doona inantii la xabaal aasay,danbigeebaa loo aasay, maxay galabsatay ee loo aasay,jawaabtuna wax iska cad weeyi wax ay galabsatay ma jiree qof muslin oo ilaahay nolol u qadaray ayey aaseen waxana noloshii gabadhaa baabiiyey jahli iyo aqoon daro,waxana uu islaamku kor uqaaday haweenka waxana uu rasuulku yidhi scw ninka dhala laba haweena ee bara diinta cilmiga akhlaaqdoodana dhisa waxay xijaab uga noqonayaan naarta markaasu nin asxaabiyi yidhi bal ka waran ninka mid dhala,waxaanu yidhi iyaduna xijaab ayey naarta uga noqonaysaa walaalayaal shareecadeenu haweenka kor ayey uqaaday,waxayna tilmaamaysa inay yihiin gacanta labaad ee raga la tiirinaysa nolosha”.
Wasiirku waxa uu sheegay in Dumarka somaliland lafdhabar u ahaayeen Halgankii dalka lagu soo xoreeyay maantana kaalintii kaga jiraan bulshadeena, xukuumada somaliland ee uu ka midka yahayna qiimayn wayn u hayso Haweenka, waxa kale oo uu sheegay in Dumarku aanay maalinta oo kaliya aanay isku koobin ee ay maalin walba xusaan, dariiqa fiican ee diinteeni sheegtayna u maraan Rabitaankooda.
Boobe yuusuf Ducaale oo ka mid ah Masuuliyiinta Akadamiyadda Horumarinta iyo Nabadda Somaliland oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa ka waramay kaalinta Haweenka somaliland ka soo galeen dib udhiskii dalka iyo wakhtigii lagu jiray dagaaladda oo uu sheegayin inay kaalin muuqata ku lahaayeen, boobe yuusuf Ducaale waxa uu sheegay in Akadamiyad ahaan ay sanad walba la ciidaan Dumarka somaliland 8 march oo ay kaalintooda ka qaataan , waxa kale oo uu sheegay in Sanadkan Akadamiyadu Qabatay Tartan Qoraaleed ku saabsanaa Horumarkii Haweenka Somaliland Gaadheen 20-kii Sanadood ee ugu danbeeyay, waxaanu intaasi ku darayn inay siin doonaan Abaalmarin lacageed iyo shahaado sharafyo seddexdii hablood ee ku guulaystay Tartankaasi.
Waxaa iyana madasha hadal kooban ka jeedisay Marwo Canab Cumar Ileeye oo ah gudoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga ee Kulmiye waxaanay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay kaalinta golaha Wasiirada laga siiyey Dumarka Somaliland iyadahin halkii uu hadafkoodu ahaa waxay intaa ku dartay inay ka mid ahayd Dumarkii ugu horeeyey ee hubka dhigista ku sameeyey Beelaha Somaliland markii dalka la soo galay, iyada oo sheegtay inay baaq nabadeed u soo jeediyeen Raggii barigaa qoryaha sitay. Waxaa kale oo ay intaasi raacisay inay wali u sii hanqal taagayaan sidii ay ku heli lahaayeen kuraas badan oo ay Dumarka Somaliland ku yeeshaan ka qayb galka Mansabyadda siyaasadeed ee Somaliland.iyada oo intaasi raacisayinaysan ka dumar ahaan doonayn waxaanay diintu u banayn laakiin ay wali rajo weyn ka qabaan inay xaqooda helidoonaan sida ay Diintu sheegtay.
Xafladaasi ayaa lagu soo bandhigay Riwaayad aad u xiiso badan oo ka hadlaysa Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada haweenku iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen raga somaliyeed ayaa ahayd mid xiiso galisay dadkii ka soo qayb galay, ugu danbayntii Marwadda koowaad ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda somaliland ayaa shahaado sharafyo gudoonsiiyay seddex hablood oo ku guulaystay Tartan qoraaleed ku saabsanaa labaatankii sano ee ugu danbeeyay horumarkii ay gaadheen Haweenka reer somaliland oo ay Abaalmarino ugu deeqeen Akadamiyadda horumarinta iyo Nabadda academic of peace and development
weriye xuseen xarbi
hargeisa somalilad