Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Markii Ugu Horaysay Faah-Faahin ka Bixyay Siyaasada Ay U Sameeyeen Aminaga Qaranka
Hargaysa (Maanta Somalilad) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa maanta ku qaabilay xarunta wasaaradda Warfaafinta dadwayne aad u tiro badan, halkaasi oo uu kaga jawaabay su’aalo door ah oo ay dadwaynuhu waydiiyeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo maanta lagu casuumay barnaamijka Maqal Dadkaaga oo todobaadkiiba mar lagu qabto xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo xidhiidhiya Masuuliyiinta Qaranka iyo bulshada, ayaa dadwayuhu waxa ay waydiiyeen su’aalo door oo dhinacyo badan taabanaya, kuwaasi oo dhamaan uu ka jawaabay wasiirku.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa madashaasi hadal ka jeediyay ka hor intii aanay dadwayuhu su’aalaha waydiinin. Waxaanu sheegay in ay sameeyeen siyaasadda amniga qaranka, taas oo noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland yeelato qorshe lagu sugayo Amaanka qaranka.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay sameeyeen xeer nabad gelyada ah oo lagu bedelayo xeerkii hore ee guddiga nabadgelyada, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay xeerka Public Order Low, waxaana uu golaha wakiillada hor yaalaa muddo laba bilood ku dhow, nasiib darrada na haysataana waxa weeye, golihii oo ka bixi waayay muran muddo kordhin ama lacag kordhin ah, iyada oo xeerarkii aanu ku shaqayn lahayn ay miiska yaalaan weli, anagiina aanu ku garba-duubanahay xeerkii aanu ku qabqaban lahayn dadka dhibaatooyinka gaysta.” Wasiirku waxa kale oo uu intaa raaciyay oo uu yidhi “Waxa xidhan xabsigii dhexe ee magaalada Hargaysa, waxaana khasab noqotay in iyaga oo dadkii rumaan garaysan yihiin Saldhigyada lagu hayo.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa intaasi kadib waxa ay dadwaynuhu waydiiyeen su’aalo door ah dhinacyo badan leh. Wasiirka oo ugu horayn la waydiiyay su’aal ahayd sida dadwaynaha iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha xidhiidh uga dhexeeyo waxa uu ku jawaabay “Magaalooyinka waxaanu u qaybinay guri guri, boqol iyo kontonloo guriba waxaanu u samaynay guddi, taas oo la xidhiidha Saldhiga Booliska ee ugu dhow, waxaana noo qorshe ah in aanu samayno Telefoon ay dadwaynuhu si toosa ugala soo xidhiidhi karaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd aqoonta uu u leeyahay xaga dhakhtarnimada iyo xaga siyaasadda in ay ku dhex loolamayaan iyo inkale waxa uu ku jawaabay, “Xaqiiqdii marka aan naftayda ka hadlo laba aragtiyood ayaa igu dhex loolama, laakiin midda maanta iigu badan ayaan idiin sheegayaa. Midi waa sida aad u sheegteen, waxaan leeyahay takhasus geeska Afrika ku yar, midina waa aragti odhanaysa in dhakhtarka ugu fiicani daweeyo labaatan qof maalintii, laakiin siyaasiga ugu fiicani malaayiin qof ayuu maalintii dawayn karaa. Waxaan aaminsanahay hal feker oo ka dhasha masuul sare oo shaqo loogu abuurayo kumanaan kun oo dhalinyaro ah in ay ka faa’iido badan tahay boqol dhakhtar. Haddaad iwaydiiseen, naftayda kuma loolamayaane siyaasi ayaan noqonayaa.”
Dr. Gaboose oo wax laga waydiiyay dadka soo galeetiga ah, gaar ahaan kusa ka imanaya Koonfurta oo colaado ay soo eryeen, Hay’adda UNHCR-na ay sheegtay in aanay u aqoonsanayn qaxoonti waxa uu ku jawaabay “Dadka ka imanaya Koonfur, meel kasta ha ka yimaadaane, iyadu waa arrin siyaasadeed, ilaa qadiyadeena caalamku ictiraafayo oo shaambad ku dhufanayo in aynu ka go’nay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray oo aynu noqono qaran ka mida qaramada midoobay, Calankiisuna kursiga hor yaalo, caalamku waxa uu inoola dhaqmayaa in aynu ka mid nahay dal waynihii Soomaaliya. Anagu waxaanu rabnaa in aanu muujino in aynu nahay dal jira oo doonaya in uu meeqaam caalamka ku yeesho.
Su’aasha na hortaalaa waxa weeye, dadkaa madaafiicda iyo xabbada ka soo qaxay miyaynu celinaa? Mise Binu-aadamnimo ayaynu kula dhaqanaa?”
Wasiirka oo wax laga waydiiyay cafis la sheegay in xukuumaddu u fidisay siyaasiga Maxamuud Cabdillaahi Jaamac Sifir, waxa uu ku jawaabay “Muwaadiniintu xaq ayay u leeyihiin in ay dalbadaan cafis, xeer baana u ogolaanaya. Siyaasiga Sifir markuu eegay, qiimeeyayna in uu dib ugu soo noqdo bulshadii iyo ummaddii la fikirka ahayd, Idaacadahana waxa uu ka sheegay in mowqifkiisu uu yahay Somaliland-er