Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qiimaha dollarka oo maraya 5000 iyo maciishada oo aan waxba iska bedelin iyo danyarta oo ku hoos dulman‏

hargeisa (maantasomaliland):- Bilihii u danbeeyey ee sannadkan  waxa guud ahaanba hoos usii dhacayay magaalooyinka Somaliland sarrifka qiimaha Dollar-ka maraykanka. Tusaale ahaan halka Dollar ayaa lagu sarrifayay dabayaaqadii sannadkii hore 6800 SL SH (shilinka Somaliland) iyadoo wakhtigan xaadirka ahna uu marayo halkii Dollar 5000 SL SH.

 

Qiimahan hoos udhaca dollar-ka oo maraya heer-kii ugu hooseeyey ee sanadahan uu gaadho, ayaa dhib wayn waxa uu ku noqday shacabka intiisa badan, maadaama dadka reer Somaliland intooda badan laga biiliyo wadamada debedda isla markaana lacagaha loo soo diraa ay yihiin dollar ka yimaadda wadamada debedda sida Europe iyo America.

 

Arrinta kale ee shacabka u raacday hoos u dhaca dollarka ayaa ah sicir barar baahsan. kor u kaca maciishada asaasiga ah ayaa cirka isku shareeyey, taasoo ganacsatadu ay ku micneeyeen cashuurtii oo qaali ku noqotay maadaama uu hoos u dhacay qiimihii dollarka, taasi ay keenayso kaashkii ay cashuurta ku bixineyeen inuu qaaliyoobo.

Ganacsatada ayaa laf ahaantoodu khadyaan ka taagan dollar-ka oo marwalba hoos usii socda, waxana ay ka cabanayaan inay yaraatay faaiidooyinkii ay heli jireen. Taasina waxay keenaysaa inuu guud ahaan hoos u dhaco dhaqaalaha wadanka, maadaama dhaqaalaha dalkeenu inta badan ku xidhanyahay ganacsiga, siiba ka ganacsiga alaabta debedaha laga keeno.

Inta badan marka uu hoos u ciiro qiimaha sarrifka lacagaha qalaad, waxa baanka dhexe  ee wadankastaa uu awood u leeyahay inuu kor u qaaado sarrifka lacagaha qalaad isagoo u adeegsanayo inuu lacag cusub soo daabaco ama uu suuqa soo geliyo lacagta ku jira khasnadda dawladda si wax looga qabto hoos u dhaca sarrifka.

 

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland inkastoo dhawr jeer ay ka hadashay dhibaatada hoos u dhaca sarrifka doolarka oo dhimbiil daba ku noqday shacabka, haddana ma muuqato qorshe ay ku doonayso inay wax kaga qabato arrintaasi oo ay weli ku dhaqaaqday.

Marka aad eegto suuqyada magaalooyinka waawayn ee Somaliland waxa si aada loo hadal hayaa hoos u dhaca sarrifka oo ah mushkilad kale oo shacabka u raacday abaaro baahsan iyo biyo la,aan ku habsatay inta badan deegaanada Somaliland.  Waana arrin wax ka qabashadeeda looga fadhiyo xukuumadda Somaliland oo doorashadii ugu danbaysay ee dalka ka dhacday ku guulaysatay ku dhawaad 50% codadkii la dhiibtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com