Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Warsaxaafadeed uu soo saaray af hayeenka madaxwaynuhu‏

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baan
ka BCIMRMadaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Guud ee Dalka Gaar ahaan Dhinacyada Maalgashiga i

Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu weftiga uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland waxaanu ku soo dhaweeyey Dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Guud ee Dalka Gaar ahaan Dhinacyada Maalgashiga iyo Ganacsiga,.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay Horumarka ay Somaliland ka samaysay Dhinacyada Dhismaha, Ganacsiga iyo Dimuquraadiyada.

Waxa kale oo uu sheegay inay in ay Xukuumada Somaliland Gacmo Furanm ku soo Dhawaynayso Maalgashiga Dalka.

Mareeyaha Sanduuqa horu-marinta ee Dalka France Mr Levaneur Jocelyn ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Xukuumada uga Mahad-naqay sidii loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay mid aan la dhayal san-karin sida Shacabka Somaliland iyo xukuumadu, ay isaga kaashadeen horu-marinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaanu mareeyuhu xusay in ay dhinacooda balanqaadayaan in ay Somaliland ka hirgelin doonaan Maalgashi wax ku ooll ah.

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa madaxweyne kuxigeenka kulanka kuwehelinaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayradka, la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee madaxweynaha, Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, iyo Chief of Protocol-ka Madaxtooyada.

Dhinaca Weftigana:-

1. Mr. Levaneur Jocelyn Manager
2. Mr. Andrien Absolu Development fund of Djibouti
3. Philippe Lagier Development fund of Pairs
4. Jerome Perrin Manager Business
5. Awil Mousa Jama Corporate Manager Bank
6. Sa’ad mousa Director of Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com