Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Soo Laabtay Socdaal Uu Ku Tagay Shiinaha

Hargeysa(maantaSomaliland.)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu  soo dhamaystay socdaal  shaqo ku  tagay markii u horaysay wadanka Shiinaha.
Waxa sidaasi lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka saxaafada ee wasaarada arrimaha dibada Somaliland waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-
“Waxaa maanta dalka ku soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo safar hawleed ku tagay dalka Shiinaha.
Socdaal  Wasiirka oo ka denbeeyay martiqaad ay xukuumadda Somaliland ka heshay dawladda Shiinaha ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo dhisi lahaa xidhiidh iskaashi oo dhexmara labada dal ee Shiinaha iyo Somaliland oo ku dhisan wax-wada qabsi iyo wadashaqayn  dhinacyo badan leh.
Wuxuu intii uu joogay wasiirku dalka shiinaha uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan dawladda Shiinaha iyo shirkado madaxbanaan oo  dalka shiinaha u qaabilsan hawlaha iskaashiga caalamka iyo maalgalinta.  Waxaana laga wada hadlay qodobo aasaas u noqon kara iskaashi balaadhan oo labada dhinac  dhex-mari  kara.
Waxay tallaabadani salka ku haysaa siyaasadda xukuumadda ee ku jahaysan balaadhinta iskaashiga iyo waxwada qabsiga ay Somaliland doonayso inay dunida la yeelato. Taasi oo la rajaynayo inay suuragalin karto in Somaliland kor u qaaddo awooddeeda dhaqaale iyo ta wax soo saarba.
Sida laga warqabo waxaa Somaliland hadda ka jira baahi loo qabo in maalgalin shisheeya la helo oo abuurta shaqooyin iyo dhaqaale oo uu dalku aad ugu baahan yahay. Waxaa isa soo taraya tirada dhalinyarada aan shaqayn iyagoo leh xirfaddii shaqada, shaqo la’aan awgeed. Hadii ay Somaliland ku guulaysatao hawlgaladan waxaa la qorshaynayaa in muwaadiniinta Somaliland ee shaqaysaa ay kordhi doonto. Arrintaasi oo wax ka tari karta  horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgalayada.
Dawladda Shiinuhu waxay shacabka iyo dawladda Somaliland ugu bogaadisay horumarka ay ka gaadheen nabadgalyada, dimuqraadiyada iyo degenaashaha. Shiinuhu waxay doonayaan inay dalkeena iskaashi toos ah la yeeshaan.  Dawladda Shiinuhu waxay aad u danaynaysaa inay la shaqayso  dawladda Somaliland.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com