Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Filashada Liidata W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Cishooyinkan siyaasadda Xamar waxaa ku soo batay dad Dunida Galbeedka qaxooti ku ahaan jiray oo soo noqday. Waana dad beddelan oo waqica dalkooda laba siyood u dhaafsan. Waxyaalo badan oo ay maskaxda ku sitaan waa wax aan shaqaynayn. Waxa ay u hadlaan sidii ay soo arkeen ee siyaasiga caaddaanku dalkiisa uga dhex hadlo. Erayo iyo weedho aan duruufaha soomaalida ka soconayn ayay badanaa af ingiriisi ku yidhaahdaan. Qaar baa ku sheekeeya ”degmo kasta waa in laga dhisaa cisbitaal, iskuul, saldhig bilays, xafiis dawlad hoose…”, mana sheegi karaan waxaa meesha lacag looga keenayo. Keliya dalkii ay qaxootiga ku ahaayeen ee hodanka ahaa bay taa ku soo arki jireen. Qaar kale ku lahaaye ”3,5 bilyan oo doollar baannu Soomaaliya dib ugu dhisaynnaa!”. Iyaguna lacagtaa meel ay ka keenayaan ma sheegaan.Dadkaa waxaa ka dhaadhacsan dhalanteed ah dunidu in ay soomaalida jeebabka iyo khasnadaha lacag uga buuxinayso. ”Dunida ayaa wax ina siinaysa ” iyo ”dunida ayaa dalka inoo dhisaysa” waa dhibaato weligeed soomaalida soo haysay oo dawladnimada qudheeda la bilaabatay. Xitaa siyaasigu hoogga dadkiisa ku dhaca waxa uu u adeegsadaa xeelad dawarsi.

Cabdiqaasin Salaad Xasan habeenkii Carta lagu magacaabay hadalkiisii kowaad waxa uu ka bilaabay: ”Dunidu waa in ay Soomaaliya gelisaa Marshal Plan la mid ah kii la geliyay Yurubtii ku burburtay Dagaalweynihii Labaad”. Cabdiqaasin isma wayddiin sababta ay dunidu lacagteeda ugu dhisayso dalkiisii uu isagu isaga oo wasiir ah gacantiisa ku dumiyay. Siyaasiyiinta soomaalida idilkood waxaas baa ka dhaadhacsan, waxaana ugu horreeya kuwo sheegta aqoonyahanno. Duniduna taa soomaalida waa ay ku baratay oo dhalanteedkaas bay ku maaweelisaa. Bal eeg, xilligii madaxnimada Sheekh Shariif Soomaaliya waxaa loo ballanqaaday lacag aad u badan oo aan shilin ka rumoobin. Qaar baa rumaysan lacagtaa sababta loo heli waayay in ay tahay soomaalida oo la soo bixi garan wayday. Ma aha ee awelba ballanqaad madhan oo indhasarcaad ah buu ahaa.

Marshal Plan ka lagu dhadhabayaa waxa uu ahaa qorshe dhaqaale oo Maraykanku dib ugu dhisay qarammadii Yurub ee ku dumay Dagaalweynihii Labaad. Mashruucaa waxaa loogu magacdaray xoghayihii arrimaha dededda Maraykanka ee xilligaa George C. Marshal oo isagu fikradda hindisay kana shaqeeyay. Lacagtaas oo ahayd laba iyo toban bilyan oo doollar in yar oo amaah ahayd mooyee badankeedu waxa ay ahayd deeq. Lacagtaasi waa tii dhaqaalaha Yurubta Galbeed oo dhan cirka gelisay, gaar ahaanna waa tii dib u dhistay Jarmalka Galbeed oo dagaalku cardaaddiqaha ka dhigay.

Muxuu Marykanku, haddaba, waxaas oo lacag ah Yurub ugu huray? Waa isku dan, isku isir, isku dhaqan iyo isku diin, arrimahaas oo la og yahay dadku in uu isugu damqado oo isugu hiiliyo. Kolka xigta lacagtaasi wax ay lahayd sabab aydoolojiyadeed oo Shuucigii Soofiyadka ayaa Yurub lagaga difaacayay; Yurub oo Maraykanku la doonayay hannaan dhaqaale oo hantigoosi ah kana duwan kii Hantiwadaagga ee dhanka bari kaga soo siqayay. Sidaa darteed Maraykanku badbaadinta iyo horumarinta Yurub danihiisa oo dhan buu ka dhex arkay.

Halkaa, iyo siyaasadda dunida oo dhan, iskaashi iyo isku danaysi baa jira ee waxba bilaash la isu ma siiyo. Dadka mooda in dar Alle loo caawinayaa waa doqommo. Waa marka laga reebo xaaladaha gaajada iyo aafooyinka oo cidda u gurmataa dadnimadeeda ku qurxinayso. Taa qudheeda inta badan daacad laga ma noqdo oo markiiba waxa aad arkaysaa ururro diin faafin iyo dhaqan rog ku hoos wada.

Sannadkii 1992 soomaalida oo muddo dheer col iyo abaar u silcaysay ayay mar uun warbaahinta caddaanku tooshka ku shidday, waxaana dunida la tusay hoog aan mid la mid ah hore loo arag. Dabadeed Maraykanka oo cunto badan sida ayaa halkaa isku qaaday, qunjuraaf oo dhamina wuu soo daba yaacay. Wayddiin muhiim ah baa dabadeed markiiba dhalatay: Maraykanku muxuu soomaalida ka rabaa? Shakigaas waxaa gundhig u noqday, oo aad u caanbaxay, hadal uu warfidiyeen Jabbaan u dhashay qoray oo ahaa: ”Dawladuhu urur samafal ma aha.”

Haddaba dadka qurbaha ka soo noqday wax ay ahayd in ay fikirka soomaalida ku soo kordhiyaan aqoon, xogogaalnimo iyo bisayl. Laakiin waxaa muuqata in ay uga sii darayaan oo dhalanteed iyo maangaabnimo cusub la soo noqdeen.

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

ibraahinhawd@hotmail.com

www.ibraahinhawd.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com