Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Sanduuqa Horumarinta Faransiiska
Hargeysa (maantasomaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday sanduuqa horumarinta wadanka Faransiiska iyo Baanka BCIMR oo socdaal hawleed dalka ku yimi. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu u sheegay weftiga in uu ku farax sanyahay inuu arko maal gashadeyaal caalami ah oo maal gashi ka sameynaya Somaliland si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka.
War-murtiyeed laga soo saaray xafiiska madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ku saabsanaa waxyaabihii uu kala hadlay weftigaasi waxa uu u qornaa sidan:-
“Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horumarinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay Dalka.
Madaxweyne kuxigeenka JSL waxa uu weftiga uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland waxaanu ku soo dhaweeyey Dalka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Ganacsi ee Dalku maraayo iyo Heererka kala duwan ee dalku soo maray iyo halka uu xiligan taagan yahayba.
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu yidhi “Waxaanu aad ugu Faraxsan nahay inaan arko Maalgashadayaal ka socda Dalka France oo aan u arko in ay run ahaan wax badan ku soo kordhin doonaan dedaalka aan ugu jirno xukuumad ahaan horumarka dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha taasi oo suura gelinaysa in marka aynu u helno Maalgashi dalkayaga inay yaraan doonto Shaqo la’aanta ka jirta Dalka.
Mareeyaha Sanduuqa horu-marinta ee Dalka France Mr Levaneur Jocelyn oo isaguna hadal kooban ka soo jeediyey kulanka ayaa Dhinacooda ka mahad naqay, sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay mid aan la dhayal san-karin sida Shacabka Somaliland iyo xukuumada, ay isaga kaashadeen horu-marinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaanu mareeyuhu xusay in ay dhinacooda balan qaadayaan in ay Somaliland ka hirgelin doonaan Maalgashi wax ku ool ah.
Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa madaxweyne kuxigeenka kulanka kuwehelinaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayradka, la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee madaxweynaha, Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, iyo Chief of Protocol-ka Madaxtooyada.
Dhinaca Weftigana:-
1. Mr. Levaneur Jocelyn Manager
2. Mr. Andrien Absolu Development fund of Djibouti
3. Philippe Lagier Development fund of Pairs
4. Jerome Perrin Manager Business
5. Awil Mousa Jama Corporate Manager Bank
6. Sa’ad mousa Director of Hargeysa.”
—