Warsaxaafadeed ka soobaxay xarunta madaxtooyada Somaliland
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 10/03/2011
War-Saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan gelinaayo Miisaaniyad Sannadeedka 2011-ka ka dib markii ay Golaha Wakiiladu Aqlabiyad ku ansixiyeen.
Maaxweynuhu :-
Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuriyada Somaliland.
Markuu Arkay: Qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Markuu Arkay : Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/Kf-14/509/2011 ee ku Suntan 07/03/2011 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyada 2011_ka ee Dawladda Dhexe, DekeddaBerbera, Dakhliga Haamaha iyo Lifaaqyada Miisaaniyadda Ku lammaan.
Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sanadeedka 2011-ka ee Dawladda iyo
Lifaaqyada Miisaaniyada Ku Lammaan.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
xuseen xarbi
hargeisa somaliland