Wasiir Xirsi oo ka warbixiyay xaaladda Masuuliyiin Shil Baabuur Maanta ku dhaawacmay
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Shilka Gawaadhida ee soo gaadhay Xubno ka tirsan Weftiga Madaxweyne Siilaanyo gelinkii hore ee maanta uu yahay mid sahlan, isla markaana Dhaawacyada Wasiirrada iyo Xubnaha kale soo gaadhay lagu dawaynayo Cusbitaalka magaalada Berbera.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal kooban ku baahiyey Shabakadda uu gaarka u eeyahay ee la yidhaahdo Guusha.com, ayaa sheegay Wasiirrada dhaawacoodu yahay mid sahlan. Shilkaas oo maanta gelinkii hore ka dhacay deegaanka Geel-lookor ee duleedka Magaalada Berbera, ayaa sababay dhimashada Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mid ah Cuqaasha Beelaha Somaliland ee dega gobollada Saaxil iyo Togdheer.
“Shil Sahlan oo sababay khasaare sahlan: mudo kooban ka hor waxaa shil sababay khasaare kooban soo gaadhay waftigii Madaxweynaha oo maraya waddada u dhaxaysaa Sheekh iyo Bebera, Illahay ayaa mahad leh dhamaan dadkii nabad galiyey, waxaan hadda ku suganahay Berbera wakhti dhow kadibna waxaan u soo jeesan doona Caasimada.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Xirsi.
Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada Somalilnd Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraalkiisa sii watay intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaa xusid mudan in Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ay gacanta kasoo gaadhay dhaawac sababay jab, dhamaan intii kalena nabad iyo caafimaad qabaan. Alxamdullillaah.”
xuseen xarbi
hargaysa