Safiirka Somaliland Ee UK oo Xafiiskiisa kula Kulmay Aqoon yahanda Iyo Odayaasha Gobolada Bari Ee Togdheer Iyo Sool
Safiirka u fadhiya samaliland Magaalada Birmingham UK Mudane Abdirahman Ali Ubaxle ayaa todobaadkan xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada bari Somaliland gaar ahaan Togdheer iyo Sool si ay uga shaqeeyaan kaalintooda kaga aadan deminta colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyo Qorilugud.
Kulankan oo ku bilaabmay weji farxadeed ayaa waxgaradka labada dhinac isku dhaafsadeen aragtidooda ku aadan in colaadaas la demiyo si ay nabad ugu wada noolaadaan beelaha dantu ka dhaxayso, waxayna labada dhinacba isla qireen in beelaha Habarjeclo iyo Dhulbahante ay yihiin ood wadaag dano badani ka dhexeeyaan isla markaana ay weligood isku dhici jireen kana heshiin jireen balse arintan ay khalkhal gelinayaan kooxo nabad diidayaal ah oo dano siyaasadeed leh taasna ay haboon tahay in dhinac looga soo wada jeesto oo aan loo yeelin shakhsiyaadka colaada wada ee isku dhufanaya beelaha walaalaha ah si ay ugu gorgortamaan mansabyo siyaasadeed oo ay u ooman yihiin.
Odayaasha Habarjeclo waxa ay aad ugu dheeraadeen in ay gudaha iyo dibedaba ay daacad ka yihiin in nabad lagu wada noolaado, dhalin yarada qoryaha sidatana ay xakamayn karaan arimo siyaasadeedna ayna ku milmi karin arinta degaanka labada beelood, balse ay ka xun yihiin in iyagoo markii horena duulaan axmaqnimo ah lagu soo qaaday hadana weli dhinacii kale ee dhibta geystay ay ka madax adaygayaan in nabad lagu wada noolaado iyagoo intaa ku daray inay ogyihiin in beesha Buuhoodle ay is yaqaanaan wixii dhex marana ay ka heshiin karaan laakiin aanay Beeshu iminka u madax banaanyn go’aamada ay ka qaadanayaan arinta nabadaynta.
Iyadoo odayaasha beesha Dhulbahantena ay arintaa kaga jawaabeen garowshiinyo iyo inay ka xun yihiin isla markaana ay si dhakhsaha uga hawlgelayaan sidii ay u wacyi gelin lahaayeen dhamaan beeshooda gudaha iyo debadaba iyagoo foolxumo ku tilmaamay in waxgaradka iyo odayaasha beesha dhulbahante u matalayey ergada shirkaasi ay qaadaan waayaan go’aankii laga gaadhay shirka ee weliba ku salaysnaa shareecada islaamka waxayna ugu baaqeen in ay si dhakhso ah jawaab wax ku oola uga bixiyaan go’aamada ay gaadheen gudiga dhexdhexaadku maadaama ay markii horeba sheegeen in ay ku kalsoonyihiin.
Iyagoo arin xun ku tilmaamay in madax dhaqameedyo iyo culimo hor ilaahay kuugu soo gurmaday arintaadiina aad u dhiibatay in aad kaga baxdo waana wax aanay dhaqan u lahayn ee ugub ah, dhinaca kalena waxay kooxda nabad diidka ah ee isku magcowday SSC ugu baaqeen in ay rabshada iyo fowdada kala dhex baxaan beelaha walaalaha ah iyagoo cadeeyey in aanay koodaas cidina igman ee ay yihiin niman xukun doona balse xukunkii iyo siyaasadii meel khaldan u maray.
Ugu danbayntiina waxaa la isku af gartay in la isku xidhnaado oo wanaag laga wada shaqeeyo qolooyinkeenan qurba jooga ah ee nolosheenu iska caadiga tahayna yaynaan dab iyo colaad ka dhex kicin beelaha walaalaha ah ee degaanka ku wada nool ee xaaladooda nololeedba ay mararka qaar iska adagtahay oo yeynaan noqon calooshooda la ciyaar aan ogayn xaqiiqda dhabta ah dadkoodu ku noolyihiin.
Markii kulanku dhamaaday ayaa dhowr su’aalood saxaafadu ka weydiisay Mudane Abdirahman iyo sababta uu shirkan isugu yeedhay. Waxaana kamid ahaa su’aalahaas:
Su’aal. Shirkan ma xukuumada Somaliland ayaa ku tidhi qabo ?
Jawaab. Maya ee aniga oo u arkay in ay muhiimtahay ayaa abaabulay, waayo had iyo jeer qurbaha ayaa colaada laga abaabulaa.
Su’aal. Qolada reer Buuhoodle waxay ku cabayaan in xukuumadu arinta faraha kula jirto oo ciidamo soo dhoobtay degaanka la isku hayo ee maxaa ka jira ?
Jawaab: Horta xukuumadu waxay masuul ka tahay reer Somaliland oo dhan iyo dhamaan dalka somaliland markaa amaan ahaan inay u gurmato meeshii amaan daro ka jirto waa waajibkeeda, ciidamada aad sheegaysaana waa kuwii qoladan soke hor istagaay oo weliba cid ka dhaawacay markii ay isku dayeen in ay jawaab ka bixiyaan duulaankii lagu soo qaaday markaa xukuumada iyo ciidanka qaranku waxay gudayaan waajibkooda ka saaran shacbigooda oo dhinaca ka cabanayaa way arkaan in ay iyagaba amaankooda ilaalinayaan, cabashaduna waa iska arin siyaasadaysan oo koox dano gaara lihi ku adeegsanayaan ee shacbiga reer Buuhoodle waa ogyihiin sida xaqiiqdu tahay.
Su’aal: Waxaa jirta in nin u hadlay qolada Buuhoodle oo Magacisa la yiraa Col. Bakayle uu yidhi odayaasha dhexdhexaadka ahi waxay qaateen laaluush isagoo aan kala reebin kuwii Garoowe ka yimi iyo kuwii Burco iyo Hargeysa ka yimiba ee taa maxaa ka jira?
Jawaab: Walaahay taasi jawaab ma leh waana ceeb in madaxdhaqameedyada waxaas oo kale lagu yiraahdo waxaanan filayaa in hadalka ninkaas ay madaxdhaqameedkiisu xaal ka bixin doonaan mana ah nin ku hadlaya afka beeshaas ee waa nin iska cadho hadlayey oo colaad doon ahaa kana tirsan kooxda nabad diidka.
Su,aal: Rajo intee leeg ayaad ka qabtaan in arintu is afgarad ku soo noqoto?
Jawaab. Waxaan filayaa in nabadu cid kasta dan u tahay oo la is afgaran doono hadii dhinacaa reer Buuhoodle ay ka madax banaanaadaan kooxdaas nabad diidka ah.
Nuura Jaamac Cali maantasomaliland.com Uk