Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka M/jeex Mr.Salaax Muxumed Idiris (Shiine) oo maanta xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta ayaa Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee gobolada dalka iyo Shirka Beesha Arab ee dhawaan lagu qabandoono Magaalada Baligubadle
Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka M/jeex Mr.Salaax Muxumed Idiris (Shiine) oo maanta xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta ayaa Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee gobolada dalka iyo Shirka Beesha Arab ee dhawaan lagu qabandoono Magaalada Baligubadle
Ugu horeyn gudoomiye shiine waxa uu ka waramay awooda Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex oo ku tilmaamaymid aad u baaxad weyn isagoo isla markaana saadaaliyey in gobolkani noqondoono halka uukaga guulaysanaayo Xisbiyada kale .
Dhinaca kale Gudoomiye Shiine waxa uu soo dhaweeyey Safarka madaxweynaha ee uu kumaray gobolada dalka isagoo isla markaana sheegay in madaxweynaha ay waajib ku ahayd inuu goor horeba sameeyo safarkan iyo kuwo ka balaadhanvba maadaama oo uu yahay Madaxweynihii Ummadda taasoo aan odhan karo waa
uu la habsaamay balse haatan waanu soo dhaweynaynaa hadii uu hada xasuustay sadex sano ka dib
Dhinaca kale Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee GobolkaM/jeex Mr.Salaax MuxumedIdiris Shiine waxa uu siweyn usoo dhaweeyey Shirka Beesha Arab ee dhawaanta ka qabsoomidoona magaalada baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd isagoo isla markaana ku tilmaamay talaabo horumara oo beeshu hore uqaaday ka Xisbi Wadani ahaaana ay siweyn u taageersan yihiin qabsoomidiisa
Gudomiyaha Xisbiga Waddani ee GobolkaM/jeex Mr.Salaax MuxumedIdiris Shiine ayaa waxa uu ka hadlaykhilaafka dhawaantasoo kala dhexgalay Dawladaha Hoose iyo Wasarada Hawlaha Guud oo uu ku tilmaamay inuu yahay khilaaf aan haboonay oo indho la,aanaoo aqoondaro sharci ay sababtay isagoo isla markaana tilmaamay inuu u khajilo labada dhinacba.