Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland oo isku waafaqay in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland ee 27/2004
Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland oo isku waafaqay in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland ee 27/2004 iyo in wax baahiya aan loo qabin xeer cusub Labada geesood oo seeska u dhigay shan qodob oo ay ka mid tahay in gudi daba gasha dhaqan-galinta xeerka saxaafada ee 27/2004 oo ka kooban saxaafada iyo baarlamaanka la sameeyo.
mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland oo ay hormood ka yahay ururka SOLJA ayaa isku waafaqay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004.
sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen shan qodob oo uu ka mid yahay in la sameeyo gudi ka kooban labada dhinac ee wakiilada iyo
saxaafada gudidaas oo daba gasha dhaqan galinta iyo ka shaqaysiinta xeerkaa saxaafada ee xeer no 27/2004.
Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan maanta ka dhacay huteelka maansoor ee magaalada hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maal galisay hayada horumarinta dimuqraadiyada ee NED kulankaa waxaa kasoo qayb galay 7 xilibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada xasan cawaale caynaan iyo 23 weriye oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banana iyo ta dawladaba waxaaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sidoo kale dhibaatada.