Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ku Dhawaaqay Abaaro Iyo Biyo La’aan Ba’an Oo Ka Jirta Deegaanada Bariga Sanaag, Baaqna U Diray Hay’adaha, Ganacastada Gobolka iyo Xukuumad.


 

 

 

Ceerigaabo (maantasomaliland) Mar. 10, 2011 – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in ay abaaro baaxad weyni ka jiraan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan Bariga gobolkaas.

Md Cadami oo ugu waramayey warbaahinta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa sheegay in abaar ba’ani ka jirto guud ahaan gobolkaas, gaar ahaan bariga gobolkaas oo uu wasiirku sheegay in ay biyo la’aani u raacday abaarta dadka iyo duunyada ku dhaqan Bariga gobolka Sanaag.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md Cadami oo baryahanba ku sugnaa deegaanada bariga gobolkaas iyo deegaanada kale ee gobolka isaga iyo wefti ay ka mid yihiin wasiirka duulista iyo hawada Md Maxamuud Cabdi Xaashi, wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi iyo guddoomiye ku xigeenka madbacada qaranka Mustafe Cabdi Ciise, kuwaas oo maanta ka soo ambabaxay gobolkaas iyaga oo usoo jeeday dhinaca gobolka Togdheer.

Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigu, waxa ujeeddada safarkooda gobolka Sanaag la xidhiidhay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin bulshada gobolkaas ku nooli, gaar ahaan dhinaca abaarta oo ay si aad ah diirada u saarayeen.

Wasiirka gaashaandhiga, ayaa isagu sheegay in abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanada kala duwan ee uu soo maray ay xukuumada Somaliland wax ka qaban doonto inta itaalkeeda ah. Isaga oo dhanka kalena ujeediyey hay’adaha gargaarka, ganacastada gobolka Sanaag iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta wax ka qabashada abaarta, in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu gurmadaan dadweynaha ku dhaqan deegaanada abaartu ka jirto.

Gabagabadii wasiir Cadami, waxa uu xusay in xaaladaha kale ee nabadgalyada, waxbarashada iyo caafimaadka gobolku wakhtigan wanaagsan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com