Lix qof oo ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay dawga sheekh laguna dawnaayo cusbitaalka berbera
Sheekh(maantasomaliland) Mar.09, 2011 – Lix qof oo saarnaa gaadhi noociisu yahay Toyota Surf, ayaa shalay abaaro 11-kii barqanimo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, kadib markii uu ku qalibmay jidka Dawga Sheekh ee gobolka Saaxil.
Rakaabka gaadhigaa ayaa waxa soo kala gaadhay dhaawacyo kala duwan, waxaana Lixda qof Saddex kamid ah soo gaadhay dhaawacyo burbur xagga lafaha ah, halka Saddexda kalena sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada Berbera ay soo gaadheen dhaawacyo fududi.
Dadka ku dhaawacmay shilka gaadhigan oo hadda lagu daawaynayo dhammaantood cisbitaalka guud ee Berbera, ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhashay, markii uu isla rogay gaadhigii ay wateen, isaga oo badhtanka kaga jiray socod uu wakhtigaas ku marayey Dawga Sheekh.
Dadkan, ayaa iyagu wakhtigaa ku soo socday nin ay qaraabo yihiin oo ku geeriyooday xalay magaalada Berbera. Warka naga soo gaadhaya xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa sheegaya in ay baadhitaan ku hayaan sababta keentay shilka gaadhigan ciidanka nabadgelyada waddooyinka gobolka Saaxil.
Shilalka noocan oo kale ah, ayaa inta badan ka dhaca waddooyinka isku xidha magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco, waxaana inta badan sabab u ah darawaliinta gaadiidka oo xawaare aad u sareeya ku wadda baabuurta iyo waliba burbur ah xagga waddada isku xidha Saddexda magaalo ee Hargeysa, Berbera iyo Burco.
Sidoo kale jidka Dawga Sheekh oo inta badan ay ka dhacaan shilal kan oo kale ahi, ayaa waxa isagana u sababa inta badan xawaare aan loogu talogalin in lagu maro dawga oo ay ku maraan darawaliinta gaadiidka isticmaala wadadaasi, kaas oo keena shilal geysta khasaare isugu jira maal iyo nafo bina’aadan.
Magac-yada dadka shilka dhaawacu ka soo gaadhay, ayaa waxa ay kala yihiiin sidan:
1. Cali Maxamed Ciise [darawalkii gaadhiga waday].
2. Faysa Ibraahin Warsame [Faysa Af-Case].
3. Aamina Cabdiraxmaan X. Jaamac.
4. Khadra Axmed Jaamac.
5. Sahra Axmed Jaamac.
6. Deeqa Ciise Cawaale.
xasan khayre
sheekh somaliland