Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Canshuurta dakhli ee Maalinlaha ah ee ka soo xeroon jirtay Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh,ayaan illaa shalay lagu soo xerayn qasnadda Qaranka oo ah Baananka Somaliland.

(Maantasomaliland)Canshuurta dakhli ee Maalinlaha ah ee ka soo xeroon jirtay Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh,ayaan illaa shalay lagu soo xerayn qasnadda Qaranka oo ah Baananka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay inaan la geyn wax lacag ah oo a soo baxda Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh baananka dalka,inkastoo aan la ogayn sababta dhalisay arrintan oo ah mid aan hore dalka uga dhicin tan iyo markii lagu dhawaaqay Madaxbannaanida Somaliland ee dhidibada loo taagay Qaranka Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda ayaan wali dhankiisa ka hadal sababta uu dakhli canshuureedka maalinlaha ah ee ka soo xerooda Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh oo si joogto ah loo geyn jiray Baananka Somaliland waxa uu uga joojiyay,iyo halka ay taallo lacagta labadii maalmood ee ugu dambeeyay uga soo xerootay Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh.

Dhanka kale Masuuliyiiinta Baanka Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino ayaanay noo suura galin inaanu helno.

Waxay is weydiintu tahay Wasiirka Maaliyaddu haduu amarkaa bixiyay oo ay jirto sabab uu Baananka dalka u geyn waayay canshuur maalmeedka ka soo xerooda Kastamyada dalka muxuu uga hadli waayay,mise waxaa jira baan labaad oo Somaliland loo sameeyay oo u gaar ah dakhliga ka soo xerooda Kastamyada dalka oo gaar u hoos taga Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn Baanka Somaliland waa inuu ka hadlaa haddii aanay canshuurtii dalku ku soo xeroon Qasnadda Qaranka ee ay masuulka uga yihiin.

Wasiirka Maaliyaddana xilkiisu maaha inuu canshuurta ah meel dhigo mana damaanad qaadi karo kol haddaanay shaqadiisaba ahayn inuu noqdo masuul qasnad lacageed haya,laakiin waxaa uu xil ka saaran yahay inuu soo saaro dakhli canshuureed ku qotoma miiyaaniyadda dalka loo ansixiyay.

Baanka Somalilan iyo Wasaarada Maaliyadda midna noomay suura galin inaan warkan wax ka weydiino kamanay hadal labada dhinac midnaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com