Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ayax geeddi ah, ayaa maanta hadheeyey magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, kaasoo ka yimi Jahada Waqooyi, isla markaana u jeeday dhinaca Koonfur-Galbeed, waxaana la sheegay in Ayaxaasi ka soo kacay Deegaannada Xeebta Somaliland oo uu dhawr bilood ka hor ku habsaday.

Ayax geeddi ah, ayaa maanta hadheeyey magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, kaasoo ka yimi Jahada Waqooyi, isla markaana u jeeday dhinaca Koonfur-Galbeed, waxaana la sheegay in Ayaxaasi ka soo kacay Deegaannada Xeebta Somaliland oo uu dhawr bilood ka hor ku habsaday.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Awdal, Selel, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, ayuu Cayayaanka Ayaxu ku degay qaarkood sannadkoo hore daba-yaaqadiisii, halka qaarkoodna uu ku habsaday bilawgii sannadkan, isla markaana ay dadka Xoolo-dhaqataada iyo Beeralaydu cabasho xooggan ka muujiyeen markii uu ka madhiyey Daaqa Xoolaha iyo Dalagga Beeraha oo uu meelaha qaarkood xaalufiyey.

Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaan iyagu wali ka hadal Ayaxa geeddiga ah ee maanta magaalada Hargeysa hadheeyey halka uu ku beegnaa iyo meesha uu ku degay toona, hase ahaatee, dadka qaar waxay sheegayaan marka joogga duullimaadka uu Ayaxu ku duulayaa dhaw yahay in meesha uu ku degayaana dhaw-dahay.

Waxay dadka qaarkoood saadaaliyeeen in deegaannada Koonfur-galbeed ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ama kuwa ku yaalla xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland uu ku beegan yahay Ayaxaasi oo laga yaabo inuu ku dego, balse wali war faahfaahsan lagama hayo meesha uu ku degay Ayaxaas hayaanka ahaa ee maanta sida Daruuraha si ku dhaw u hadheeyey magaalada Hargeysa intii uu dul-marayey.

Deegaannada inta badan dhulka Xeebta ah ku yaalla ee ka tirsan gobollada Selel, Awdal, Saaxil, Sanaag, Waqooyiga fog ee Hargeysa, ayaa ah dhulka uu sida wayn ugu degganaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey, dadweynaha ku dhaqanina cabashada xooggan ka muujiyeen saamaynta uu ku yeeshay Ayaxaasi.

Wasaaradda Beeraha oo marar badan sheegtay inay ka hawl-gashay la-dagaallanka Cayayaanka Ayaxa ee waxyeellada xooggan ku haya dalagga Beeraha iyo Daaqa Xoolaha, oo ay Kooxo u ka hawl-gala oo Buuxiya Ayaxaas u dirtay iyada oo kaashanaysay Hay’adaha ka shaqeeya daryeelka Beeraha iyo Xoolaha ee caalamiga ah qaarkood.

Hase-yeeshee Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo horraantii bishan Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in Ayaxa oo ay doonayeen inay Diyaarado ku buufiyaan uu gaadhay heer la-dagaallankiisu adag yahay, isla markaana ay buufintaasi ugu suurageli weyday cabsi caafimaad oo ka soo gaadhi karta dadka iyo Xoolaha ku dhaqan Deegaannada ay u qorsheeyeen inay Diyaaradda ku buufiyaan.

Ayaxa ku habsaday gobollada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaanay dawladda iyo Hay’adaha arrintaa kala hawlgalayay aanay haba-yaraatee wax xal ah u helin la-dagaallanka Ayaxa, isla markaana marba marka ka dambaysa waxa uu ku sii fidayaa deegaanno hor leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com