Baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta baabuur lacagta dollar-ku ay ka buuxdo soo geliyay suuqyadda sarifka lacagaha qalaad, si hoos loo dhigo sarifka lacagta dollar-ka oo maalmihii la soo dhaafay kor u kacay.
Baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta baabuur lacagta dollar-ku ay ka buuxdo soo geliyay suuqyadda sarifka lacagaha qalaad, si hoos loo dhigo sarifka lacagta dollar-ka oo maalmihii la soo dhaafay kor u kacay.
Tallaabadan ayaa baanka dhexe ee Somaliland uga gol leeyahay inuu la tacaalo oo hoos u dhigo baaxaa-dega sarifka Dollar oo saamayn toos ah ku leh qiimaha badeecadaha daruuriga ah.
Sarifleyaasha caasimadda Hargeysa ayaa soo dhaweeyay qorshaha baanku ku xakamaynayo sarifka lacagta dollarka maraykanka, waxaanay tilmaameen inay baanka oo xukuumadda uga masuul ah lacagaha ay kala shaqeynayaan arrintan oo ay ku tilmaameen mid salka ku haysa maslaxadda ummadda.
“Waanu soo dhawaynaynaa qorshaha baanka dhexe uu ku jabinayo lacagta Dollarka oo maalmihii la soo dhaafay qaaliyoobay oo kor u kacay, waxa lacagta baabku uu soo geliyay suuqyadda ay xakame u tahay kor u kicii sarifka Dollarka. Waxa halka dollar marayaa maanta 6900 oo shilinka Somaliland ah, halkii markii hore uu ka ahaa 7000 sh shilin iyo dheeraad,”ayuu yidhi Cabdilaahi Cali oo ah Guddoomiyaha sarifleyaasha Caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha Baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi iyo agaasimaha guud ee Baanka Cabdilaahi Xasan ayaa todobaad ka hor lagu arkay iyagoo suuqa sarrifka lacagaha qalaad iyagoo sheegay inay joogtayn doonaan lacagaha ay ku jabinayaan sarifka dollar-ka.