Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Dambi La Sheegay In Loo Haysto Agaasimaha Guud ee Waxbara shada
Hargeysa (maantaSomaliland)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, ayaa ka hadlay talaabo a ciidanka boolisku ay Xarunta CID-da uga yeedheen Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo ay kulan xog waraysi ah kula yeesheen oo uu sheegay in wax laga weydiinayay eedayn culus oo loo hayso agaasimahaasi.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu beeniyay hadal ka soo yeedhay Agaasimaha Guud ee waxbarashada oo sheegay in Ciidanka CID-da Boolisku ay habeen hore si qayrul sharci ah ugu yeedheen xaruntooda su’aalana u uga weydiiyay kiis uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.
“Waxba kama hadalka ka soo yeedhay ninkaasi agaasimaha guud ah oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu amray in xadhigiisa, waxaan idiin sheegayaa Dr. Gaboose ma aha askari Boolis ah ee waa Wasiir waxbana kama jiraan hadalkaasi,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Gen. Cilmi Rooble Furre wuxuu sheegay in masuulkaasi lagu eedeeyay dambi culus oo uu xusay in la baadhayo oo aanu jeclayn inuu ka hordhaco natiijada baadhista Booliska.
Dhinaca kale, agaasimaha guud waxa uu Ciidanka Booliska ku eedeeyay inaanay ilaalin xasaanadii uu xaqa u lahaa oo ay xili dambe ugu yeedheen inuu horyimaado xarunta CID-da.