Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka Uruguay ayaa ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican Horyaalka Ingiriiska.

(Maantasomalilnad)Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka Uruguay ayaa ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican Horyaalka Ingiriiska.

Suarez ayaa loo boqray xidigii ugu fiican xilli ciyaareedka 2013/2014 ee hada sii dhamaanaya, waxaana ay kooxdiisa ay wali hogaanka u heystaa Horyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahan Suarez ayaa u dhaliyay xilli ciyaareedkan kooxdiisa Liverpool 30-gool, waana uu u dhow yahay inuu ku guuleysto ciyaaryahanka ugu goolasha badan Yurub.

Abaal marinta PFA ee sanadlaha ee la siiyo xidiga ugu fiican ayaa xalay la gudoonsiiyay Suarez markii ay soo dhamaatay ciyaartii kooxdiisa looga badiyay garoonkooda ee Chelsea ay uga adkaatay 0-2.

Sidoo kale ciyaaryahan Edin Hazard oo u ciyaara kooxda Chelsea ayaa isna ku guuleystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee da’yarka Horyaalka Ingiriiska, waxaana Hazard uu si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa.

Xidigan reer Belgium oo haatan dhaawac uga maqan kooxdiisa ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Horyaalka Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com