War-Deg deg ah: Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Ka Hadlay Darajada Ciidamada Qaran Sheegayna in Colaadda Ka Aloosan Barigu Ay Caqabad Ku Tahay.
Hargeysa (maantasomaliland) Mar.13., 2011 – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami oo maanta hor yimi golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka waramay xaalada ciidanka qaranka iyo halka ay marayso balanqaadkii loo sameeyay ciidamada in darajo loo samayn doono.
Waxa uu wasiirku sheegay in ay wasaaradiisu dadaal ugu jirto sidii ay u meel marin lahayd balan qaadkii samaynta darajada ciidamada, isla markaana ka hor intaan darajada la samayn ay bilaabi doonaan tirakoon ciidanka qaranka ah, iyagoo la tashi la samayn doona dad khubaro ku ah arimaha Milatariga, Iyo dhamaan dhinacyada ay khusayso.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in colaada ka taagan gobolada barigu ay carqalad ku noqotay bilaabida tirakoobka ciidanka maadaamoo ciidanka intiisa badan ay ku suganyihiin jiidaha bariga dalka.
Gabo-gabadii waxa uu wasiirku sheegay inay wasaaradiisu dadaal ugu jirto ka midho dhalinta go’aanka ah in ciidamada loo sameeyo darajo. Warka oo faahfaahsan kala socda goor dhow shabakada maantasomaliland.com