Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Somaliland La Jabsaday Iyo Laba Ka Mida Shaqaalaha Wasaaradaas Oo Xabsiga La Dhigay.


Hargeysa(maantasomaliland) Mar.13, 2011 – Xasfiiska wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa la  jabsaday xalay, iyada oo xasbiga loo taxaabay laba nin oo ka mida shaqaalaha ka hawlgala wasraadaas, kuwaas oo hadda la sheegay in ay ku xidhan yihiin xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda ganasciga ee wasaarada ganacsiga Ismaaciil Haybe Cilmi oo saxaafadu wax ka waydiisay arrintan, ayaa sheegay in baadhitaan lagu samaynayo dhacdadan oo uu sheegay in ay ugub ku tahay wasaarada, waxaana uu sheegay masuulkani in aanay jirin wax qalab ah oo lagala baxay xafiiska.

Mudane Ismaaciil Haybe wuxu intaa ku daray in la qabtay laba nin oo ka mida shaqaalaha wasaarada, kuwaas oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen falkan, balse waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo magacyada raggan iyo shaqada ay hayeen.

xuseen xarbi

hargaysa

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com