Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaarada warfaafinta mudane xaabsade oo sheegay inaanu nidaam shaqo oo toosan ugu iiman wasaarada warfaafinta‏

Hargeysa, March, 13, 2011-(maantasomaliland)- Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay laba wasiir oo cusub oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaas oo uu dhowaan magcaabay Madaxweyne Siilaanyo. Kadib marii uu laba xubnood oo ka tirsanaagolihiisa wasiirada meesha ka saaray.

Labada Wasiir  ee maanta la ansixiyay ayaa kala ah warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Deegaanka Dr. Cabdi Aw Daahir Cali.

Waxaana labadaa masuul lagu ansixiyay Fadhigii maanta ee golaha wakiillada oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo ay madasha ka soo xaadireen  54 mudane.
Wasiirka wasaaradda warfaafita Mudane Axmed Cabdi Xaabsade waxaa ogolaaday 53 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, guddoomiyuhuna muu codayn. Halka wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ay ogoladeen 53 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin guddoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka warfaafinta mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo ansixinta ka hor hadal kooban ka jeediyay fadhigii golaha ayaa sheegay inkasta oo uu meelo badan ka soo shaqeeyay haddana xilka wasaaradda warfaafintu ku cusub yahay,  isla markaana ay bulshada uga wakiil yihiin adeeg xasaasi ah oo wasaarad mihiim ah ay tahay wasaarada hada loo ansixiyay.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu wasaaradda ugu iman wax qaab dhismeed ah oo ay wasaaraddu lahayd, hase yeeshee uu hadda wasaaradda u dejiyay qaab dhismeed iyo qorshe hawl fulineed qaybaha wasaarada iyo sida ay u shaqaynay dhinaca maamulka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo isna fadhiga ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay awooda saarayso sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka xoolaha dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay isha ugu wayn ee dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay.

Wasiirka xanaanada xooluhu waxa uu intaa ku daray inay kooxo caafimaad oo tallaal iyo dawayn u sameeyay xoolaha ay u direen shan gobol oo ka mid ah dalka. wuxuuna xusay inay wasaaradda xanaanada xooluhu ahmiyad weyn u leedahay dalka iyo dadkaba, isla markaana uu wax baddan ka qaban doono baahiyaha dhinaca caafimaadka xoolaha iyo ilaalintooda.
xuseen xarbi hargaysa
somaaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com