Wasiirka gaaashaandhig hoo maanta golaha baarlamanka warbixin ka siiyay hawlha wasaaradiisay
Hargaysa (maantaSomaliland. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami ayaa hortagay golaha wakiillada, waxaanu mudanayaasha golahaasi uga xog-waramay qaab dhismeedka iyo waajibaadka qaran ee ay u xil saaran tahay wasaaraddiisu.
Fadhigii golaha wakiillada ee maanta oo uu guddoominayay godoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wasiirku ugu horayn xildhibaanada faahfaahin ka siiyay qaab dhismeedka iyo waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda gaashaandhigu waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Markaan ka waramo qaab dhismeedka wasaaradda gaashaandhiga, wuxuu ka kooban yahay oo u kala baxaa Agaasinka guud, Taliska guud ee ciidanka qaranka iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda, haddii ay Boolis tahay, haday Ciidamada Asluubta tahay iyo hadday ciidanka qaranka tahay, xagaa garsoorka way ka midaysan yihiin. Hoos marka loo daadago garsoorka waxaa hoos yimaada maxkamadaha iyo xeer ilaalinta. Agaasinka guudna waxaa hoos yimaada afar waaxood oo kala ah; Agaasinka guud ee waaxda maamulka, agaasinka guud ee naafada iyo agoomaha, agaasinka guud ee xidhiidhka dibada iyo arrimaha ciidanka iyo waaxda Qorshaynta. Intaasina agaasinka guud ayay hoos timaadaa.”
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cali Camidi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xil saaran tahay , isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xilsaaran tahay, markaan ka hadlo. Caalamku way kala duwan yihiin, dabadeedna hadba cidda aad isku tamarta tihiin ayaa lagu daydaa, markaa inagu waxaynu qaadanay dawladaha aynu siyaabo badan isugu eegnahay ama aynu awooda iskaga mid nahay. Marka aan soo qaado qodobada asaasiga ah, waajibka wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska guudba laga rabaa waxa weeye waajibaadka laf-dhabarta ah ee wasaaradda gaashaandhiga. Waa ka difaacidda Jamhuuriyadda Somaliland weerarada kaga yimaada dibada, ka hortaga budhcad badeedda iyo ilaalinta khayraadka badda, sugitaanka haysashada hubka ee lagaga hortagi karo khataraha dibada iyo gudaha kaga iman kara qaranka, dejinta iyo xidhiidhinta difaaca qaranka, xidhiidhinta iyo taabo gelinta barnaamijka difaaca qaranka, kormeeridda iyo qiimaynta hawlaha difaaca qaranka, hubinta helitaanka shaqaalaha ku haboon gudashada hawlaha difaaca qaranka, horumarinta kor u qaadida tayada shaqaalaha gaashaandhiga, jihaynta naafada gaashaandhiga, qodobka ugu dambeeyaana ee tobnaadna wuxuu noqonayaa ka gacan siinta xukuumadda sugida nabadgelyada gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah.”
Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu intaa ku daray “Wasaaradda gaashaandhiga masuuliyiin badan ayaa soo maray, intii aan anigu joogay hadda waxaanu isku daynay bilawgii in aanu dad masuuliyiin ah oo gaadhay Janannimo ama Kornaylnimo ilaa iyo Mijir oo ciidanka ka hawl gabay, oo wadanka jooga, wax mushahar ahna aan ka qaadan ciidanka, dadkaas ayaanu ururinay ilaa 15 qof, malihi intaas ayay ku dhanyihin, laakiin intii wakhtigaa suuro gashay in la helaa ilaa 15 qof ayay noqdeen, qolyahaas markii aanu u yeedhnay waxaanu ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan dhowr qodob oo kala ah:-
- In ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta wasaaradda gaashaandhiga iyo ciidanka, sidii xidhiidhkooda iyo wada shaqayntu u noqon lahaa mid dabiiciya, oo aanay cidna bursanin awood gaara in la sameeyo, in ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda wakhtiga cusub iyo waayaha jira in la waafajiyo.
- Darajooyinkii ciidanka oo raagay in dib boodhka looga tumo wixii hore loo hahay, iyaga laftoodu waxay u baahnaayeen in shuruuuc la waafajiyo oo qofku sida uu ku heli karo darajada iyo sida looga qaadi karo, intaba haddii aan sharcigii jirin oo la iskaga tolo, dee wax shaqaynaya maaha. Waxa kale oo iyana ku jirtay tirakoob sugan oo ciidanka qaranka lagu sameeyo meel kasta oo ay joogaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanaa, si fiican ayayna nimankaasi u halw galeen, laba bilood oo dhowdhow ayayna shaqaynayeen.”
Dhinaca kale, waxa Wasiirka halkaasi lagu weydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqadiisa oo uu halkaasi kaga jawaabay.