Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda horumarinta degmooyinka ee Wasaaada Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Axmed, waxaana uu amaan halkaa uga jeediyey maayarka degmada Berbera oo uu xusay in ay ku daydaan wax-qabadkiisa uu ka muujiyey magaalada Berbera.

Shirkii dawladaha Hoose ee dalka oo ka furmay Berbera
Hargeysa (maantasomaliland)-Waxa maanta magaalada Berbera si rasmi ah uga bilaabmay Shirwaynaha ururka dawladaha hoose ee Somaliland ALGASl, kaas oo ay kasoo qayb galeen inta badan Guddoomiyeyaasha Golayaasha degaanka magaalooyinka dalka oo dhan.

Shirkan oo uu guddoominayey guddoomiyaha golaha degaanka caasimada Hargaysa Md. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa waxa ugu horayn shirka ka hadlay oo furay Duqa magalada Berbera Md. Cabdale Maxamed Carab, kaas oo ugu horayn guddoomiyeyaasha ku soo dhaweeyey magaalada Berbera, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu shirkan martigeliyo.

Maayarka caasimada Hargaysa, isla markaana ah gudoomiyaha ururka ay ku bahoobeen dawladaha hoose ee dalka Mud. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna kulankaa ka hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhda ururka iyo qaybaha uu ka kooban yahay waxana uu yidhi “ururkan waxaa la aasaasay bishii Afraad ee sanadkii 2006, waxaana markii hore ku jiray oo kaliya magaalooyinka waaweyn oo qudha, sida Hargaysa, Berbera, Burco, Borama iyo Gebiley, laakin iminka waxaa uu noqday urur ay ku midoobeen degmooyinka dalka oo dhan.

Waxaa iyana halkaa ka hadlay Uduge Nyambura iyo Shardack David oo ka socday urur ay ku midoobeen dawladaha hoose ee Dalka Kenya, kaas oo marka lasoo gaabiyo la yidhaahdo (ALGAKl), waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin shirkan maanta ay ka soo qayb galeen, iyaga oo xusay in Somaliland iyo Kenya ay yihiin dalal walaalo ah, isla markaana xagga horumarka iska kaashada. Waxaanay cudur-daar ka bixiyeen in guddoomiyihii ururka dawladaha hoose ee dalka Kenya ay cudur-daar soo fartay, maadaama ay ka qaybgalaysay shir ka dhacaya dalka Ingiriiska.

Gabogabadii waxaa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha fullinta ururka Dawladaha hoose ee dalka Md. C/laahi Maxamed Xirsi oo sheegay in maanta la eegi doono Xeer hoosaadka Ururka, laguna sameyn doona kaabis.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Bebrerba ayaa socon doona muddo laba cisho ah, waana shirkii ugu horeeyey ee ururkani uu ku qabsado magaalada Berbera.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com