Warsaxaafadeed: Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Maanta Kulan Kula Yeeshay Xarunta Madaxtooyada Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka.
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yaeeshay Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka waxaanu ka Dhegaystay Warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.
Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen Nolosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay Biyo la’aantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.
Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku aadan horu-marka, Kor u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku dhaqaan Cadaalad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada Shacbiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalaan in aaanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Allaa Mahad Leh
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.