Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulka Italy Oo Kaadh Cas’Guuldarro iyo Qanniinyadii Suarez La Wada Carraabay iyo Uruguay Oo u Gudubtay Wareegga 16-ka

Hargeysa(Maantasomaliland):- Xulka Qaranka Talyaaniga,ayaa isku darsaday laba guul darro oo ka haleelay ciyaartii caawa ay la yeesheen xulka dalka Uruguay ka dib markii lagaga badiyay gool iyo waxba iyo waliba iyagoo kaadh cas laga siiyay ciyaaryahan Marchisio.

itly
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro ay labada dhinacba ku qanacsanaayeen, 14 daqiiqo kadib markii lagasoo noqday nasashada Claudio Marchisio ayaa qalad uu kugalay Egidio Rios kumuteystay in ciyaarta laga saaro.

Italy oo kuciyaareysay 10 ciyaaryahan ayaa isku dayday in ay uruguay la qaybsato Ciyaarta illaa daqiiqadii 81aad, markaas uu difaaca Atletico Madrid uu hogaanka u dhiibay xulkiisa Uruguay, kubbad uu madax kula beegsaday goolka Italy ayaa hoggaanka u dhiibtay xulka qaranka uruguay

Daqiiqad ka hor goolka, Suarez ayaa qaniinay difaaca Juvntus iyo xulka qaranka Italy, waa markii seddexaad uu xirfadiisa Suarez qaniino ciyaaryahan kasoo horjeedo, guuldarada Italy ayaa lamacno ah inay raacday England oo ay kawada hadheen koobka Adduunka.

Costa Rica ayaa dhankeeda adkeysatay booska koowaad kadib bar barro ay la galeen England, labadan xul waa Uruguay iyo Costa Rica ayaa kasoo baxay kooxda (D), iyagoo ku dhici doono labada kooxood ee kasoo baxda kooxda (C) oo caawa ciyaari doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com