Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Maxamed Aadan oo Muxaadaro qiimo badan u Jeediyey Ardayda Jaamacaddda Admas University

) Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah Culimada ugu caansan Somaliland ayaa khudbad qiima badan oo diini ah u jeediyey ardayda iyo Maamulka Jaamacadda Admas University College ee Magaalada Hargeysa.

sheMuxaadaradan oo ciwaankeedu ahaa (Hiigsiga Himilada sarre) taas oo uu qofku ku fikiro inuu gaadho meel sare mustaqbalkiisa diiniga ah.

Munaasibadda kulankaasi diiniga ah waxaa ka soo qayb galay maamulka Jaamacadda, Ardayda iyo marti sharaf kale, waxaanu si qotodheer sheekhu uga sheekeyey sida ugu fiican ee qofku hamigiisa mid sarre uga dhigi lahaa o uu si uu qofku u gaadho meel fiican.

Waxanu yidhi “Haddii aad ku fikirto inaad caawa salaatul-laylka u kacdo saqda dhexe oo aanad toosin balse uu ku talagalkaagu ahaa inaad kacdo waxaad ilaahay agtiisa ku leedahay Ajirinkii aad helilahayd haddii aad kacdo oo aad tukan lahayd” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.

ooooSheekhu isaga oo wanaag ka hadlaya waxa uu yidhi “wanaagga iyo khayrka laysma amaahiyo balse waa in loo baratamo sida uu illaahay kitaabkiisa inoogu sheegay, miyey siman yihiin kan isaga oo sooman kitaabka qur’aanka kariimka ah wakhtigiisa siinaya iyo kuwa musalsalka [filimada] ku luminaya jawaabtu waa maya” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.

dhanka kale waxa uu sheekhu ka warramay cadawga dhabta ah ee ay umadda islaamka ahi leedahay inuu yahay shaydaanka kaas oo habaar qabe lagu salliday quluubta dadka inuu dhexgalo isla markaana was-waasiyo oo uu cibaadada ilaahay ka mashquuliyo. “dadka qaarbaa ka fikira adiga adiga adiga uun oo aan naftiisa mooyee aan cidkaleba ka fikirayn balse waxaa loo baahan yahay inaad ka fikirto inaad dadka kale anfacdo oo aanad fikirkaaga ku soo koobin naftaada yar oo kaliya”

Sheekh maxamed Aadan waxa kale oo uu kula dartaarmay dhalinyarada iska jiran tahriibta isaga oo tilmaamay in qofka tahriiba uu hamigiisu uu ahaa mid hoose waxanu yidhi. “qaar badan oo dadka tahriibay ka mid ahi waxay ahaayeen idinka oo kale oo Jaamacadaha ayey ka baxeen balse Himiladooda ayaa Hooseysay markaa waxaan idin kala talinayaa inaad ku fikirtaan inaad la haataan himilo sarre oo aad fikirkiina sare u qaadaan si aad mustaqbalka meel sare u gaadhaan” ayuu yidhi.

aradaMudadii Muxaadiradu socotay ayaa dhammaan Ardayda jaamacadu dhegeysanayeen, ugu dambeyntiina ardaydu waxay sheekha halkaa ku waydiiyeen su’aalo la xidhiidhay mawduuca uu ka warramay iyo kuwa kale oo ka baxsanba waxaanu sheekhu si quruxbadan uga jawaabay dhamaan su’aalihii la waydiiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com