Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa, March, 20, 2011-(maantasomaliland)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay Xukuumaddu Ruqsad u siisay shirkadda Horn Mining Company inay ciida Iron-ta ee adduunka gabaabsiga ah ka‏

Hargeysa, March, 20, 2011-(maantasomaliland)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay Xukuumaddu Ruqsad u siisay shirkadda Horn Mining Company inay ciida Iron-ta ee adduunka gabaabsiga ah ka gurtaan dhul dalxiiseedka dulleedka Berbera ee Batalaale.

Wasiir Xuseen oo maanta hortegay Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inaanay jirin wax shuruuc ah oo Dawlada Somaliland uga yaala Maalgelinta Caalamiga ah ee Khayraadka Wadanka,gaar ahaan macdanta iyo Batroolku,isla markaana cid kasta oo ay maal gelin waydiisto wasaaraddiisu ay ku xidho shuruucda dawlada ahaan uga yaala arimaha Macdanta iyo Batroolka,isaga tilmaamay inay taasi ku noqotay arin mar walba hor taagan oo cid waliba ku xidho codsigooda, waxaanu yidhi “Wadamada Caalamku mar walba waxay nagu xidhaan sharci ma leedihiin Macdanta lagu maamulo, marka aanu maya nidhaahnana way iska tagaan, markaa waxaan doonaynaa inaan dhawaan sharcigii samayno macdanta lagu maamuli lahaa si taasi looga gudbo.”

Wasiirku waxa uu daboolka ka qaaday inay xukuummad ahaan u ogolaadeen in yar oo muunad Iron-ta ah inay shirkaddaasi qaado, haseyeeshee sida aanu hore u soo bandhignay shirkadani waxay addeegsaday cagafyo iyo gaadiid tiro badan oo badi xaaluf ka dhigay xeebta Batalaale, iyadoo khubaro ku xeel dheer dhinaca deegaanku ka dayriyeen halista ka iman karta inay dabargo’do ciida Iron-ta ee sida axmaqnimada ah looga qaaday Batalaale.

Wasiirka Macanta, Biyaha iyo Tamartu waxa uu sheegay in biyo la’aanta ka jirta caasimada Hargeysa uu ka sameeyay dedaalo badan dalal Yurub iyo Carabta ahna uu ugu tagay sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen biyo balaadhinta Hargeysa.waxaanu carabaabay inay filayaan in Midowga Yurub ay ka hadli doonaan dhamaadka bishan mashruuc 30 Malyan oo dollar ku kacaya oo lagu wado in wax lagaga qabto biyo yaraanta Hargeysa.

Mar uu ka hadlay waxyaabaha hortaagan biyo la’aanta waxa uu sheegay in waxa kaliya ee hor taagan biyo Curinta iyo ka haqab tirida Bulshada reer Somaliland Biyaha ay hortaagantahay dhaqaale xumo iyo qorshe la’aan dhinaca Xukuumadda ah,isla markaana aan la isku halayn Karin waxtar laga helo hay’adaha Caawimada Bixiya iyo Bulshada Caalamka,loona baahanyahay inay Xukuumaddu u qorshayso kharash lagu dabooli karo arintaasi si xaaladan looga baxo,isaga oo qiray inaanay xiligan Xukuumaddu gacanta ku haynin qaar ka mid ah Wakaalada Biyaha ee Dalka, taasina ay tahay mushkilad kale oo sida uu sheegay hor taagan Siyaasadiisa uu ku hagayo hawlaha Biyaha Dalka.
maxamed xasan
berbera
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com