Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Dahabshiil Oo Dayactir Iyo Qurxin Ballaadhan Ku Samaysay Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Sheekh Bashiir Ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(maantasomaliland) Mar.17, 2011 – Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil, ayaa dayactir iyo qurxin ballaadhan ku samaysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaalla badhtamaha magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

Shirkadda Dahabshiil oo ku caan-baxday ka qaybgalka horumarinta adeegyada aas-aasiga bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo taakulaynta ummadda Soomaaliyeed oo ay gacan weyn ka geysato masiibooyinka dabiiciga ah ee ku habsada sida abaaraha, biyo la’aanta iyo barakaca, ayaa dhawaan dayactir ku sammaysay Dugsiga Sheekh Bashiir oo ay istanbar iyo rinji ku sammaysay gebi ahaanba dayrka Iskuulka oo markii hore dacay iyo basaas badani ka muuqatay, sidoo kale waxay shirkaddu barxadda hore ee iskuulka oo markii hore gaadiidku si qaab daran isu hor tubi jireen ka hirgelisay goob ay gaadiidku si habsami leh oo hareeraha biro lagaga wareejiyay isu-taagaan, isla dayactirtay qaar ka mid ah fasalada.

Dugsiga Sheekh Bashiir oo ku yaalla wadnaha caasimadda waxa isu biirsaday kudaafadd hortiisa lagu shubo iyo basaas ka muuqatay muuqaalka guud ee Dugsiga oo kamid ah dugsiyada ugu caansan magaalada Hargeysa, hase yeeshee haatan ka soo kabtay duruufo badan, kadib markii shirkadda Dahabshiil gacan ka geysatay sidii loo soo celin lahaa bilicda dugsigan oo ay dhigtaan arday tiro badani.

Dugsiga Sheekh Bashiir waxa uu ka qatan yahay inuu taageero ka helo badi xafiisyadda iyo xarumaha ganacsiga ugu waaweyn ee dalka oo indhaha ka qarsaday in ay waxqabad u geystaan goobta waxbarasho ee jaarka la ah, marka laga reebo Dahabshiil oo iyadu qaaday tallaabo ku dayasho mudan.

Shirkadda Dahabshiil oo ah horyaalka xawaaladaha casriga ah waxay 20kii sanno ee u danbeeyay ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo ay sumcad kaga kasbatay adduunweynaha iyo bulshadda Soomaaliyeed ee dacallada dunida ku nool oo ay ku guulaysatay inay ugu adeegto sidii kuwo xaafad keliya wada degan.

maxamed jaamac

hargaysa maanta somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com