Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuqul Ka Mid Ah Qoraal Ay Dawladda Ingiriisku Sheekh Shariif Ku Wargelinayso Mucaawino Ciidan Oo Ay Siinayso Somaliland.

Hargeysa ( maantasomaliland) Mar.17, 2011 – Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan u dirtay dawladda Shariif Sheekh Axmed, qoraal lagu wargelinayo mucaawinooyin kala duwan oo dalka Ingiriisku siinayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalkaas oo uu wakiilka Ingiriiska u qaabilsan dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya Ambassador Matt Baugh, 21 Febarwari ee 2011 u diray safiirka Sheekh Shariif u fadhiya magaalada Nayrobi ee dalka Kenya Mr. Maxamed Cali Nuur, ayaa wuxuu ku wargelinayaa in Ingiriisku caawimooyin dhinaca milatariga ah siin doono Jamhuuriyadda Somaliland si loo taageero ammaanka gobolka, waxaanu si adag uga dalbanayaa inuu soo bixiyo qoraal ogolaansho ah oo ay dawlada Shariif ku ogolaanayso mashruucaas.

Qoraalkan oo ay dhawaan maamul goboleedka Puntland si laxaad leh uga qaylisay wuxuu muujinayaa sida uu Ingiriisku diyaarka ugu yahay inuu garab istaago Somaliland.

Qoraalkaas oo aanu idiin soo turjunay wuxuu u qornaa sidan, “Sida laga yaabo in aad xasuusan tahay, waxa aanu safaaraddiina dhowr munaasabadood kaga wada hadalnay arrimo khuseeya taageerada Ingiriisku u fidinayo hay’adaha amniga ee Somaliland. Waxa aan qoraalkan kugu soo qorayaa in aan kugu wargeliyo in xukuumadda Ingiriisku ay doonayso in ay intii hore ka sii kordhiso taageerada noocan ah ee ay siiso Somaliland.
Sida aan hubo waa aad u bogaysaan, in Somaliland ay hadda keentay xasilooni dheeraad ah iyo qaab dhismeed suurtogelinaya in aynu siinno caawimo noocan ah, si ay uga hortagto khatarta joogtada ah ee ka imanaysa shakhsiyaad iyo kooxo doonaya in ay wax u dhimaan dadaallada nabadda lagu helayo.

Si aanu madaxa ugu buuxinno, waxa aanu TFG ku wargelinnaa mashruuc kasta oo uu ingiriisku wado oo xidhiidh la leh dhinacyada amniga ee Somaliland, oo u baahan in guddida Qaramada midoobey u qaabilsan cunaqabataynta hubku ay ansixiso, tusaale ahaan waxa ka mid ahaa, tababarro iyo hub ka beddelis aanu u samaynay cutubyada ilaalada gaarka ah ee booliiska.

Xisaab sannadeedka 2011-12 waxa aanu qorshaynay in aanu caawimo intii hore ka badan siinno hay’adaha amniga ee Somaliland. Si aanu u yarayno culayska maamul ee wadaagga ah ee keenaya in aanu u baahanno in mashaariic dhinac keliya ah aanu fulinno, waxa aan jecelnahay in aan halkan ku caddeeyo ku talogalkayaga oo faahfaahsan si aan u xaqiiqsanno in aad ka warqabtaan caawimada aanu qorshaynay.
Liiska hoos ku qoran, waxa uu caddaynayaa caawimada aanu bixinayo:

– Waxa aan adeegsanaynaa macallimiin caalamiya oo Milateri iyo kuwo rayid ah, si aanu u yagleelno, dushana ugala soconno barnaamij dib u habayn ah.

– Waxa aanu kala talinaynaa, waxbarashada iyo tababarka siyaasadda difaaca, qorshaynta, isku-duba-ridka iyo maamulka, oo ay ku jiraan, sida ay rayidku u xakamayn karaan milateriga, sharcigu in uu taliyo, la xisaabtanka iyo in waxba la qarsan.

– Waxa aanu kala talinaynaa waxbarashada iyo tababarka miisaaniyad dejinta, maaraynta maaliyadda oo ay ku jiraan habka wax soo iibsiga, qandaraas bixinta iyo hantidhowrka.

– Waxa aanu kala talinaynaa waxbarashada iyo tababarka, soo iibsiga iyo maamulka ilaha dakhli oo ay ku jiraan hantida iyo qalabku.

– Waxa aanu kala talinaynaa waxbarashada iyo tababarka maamulka shaqaalaha, oo ay ka mid tahay soo shaqaalaynta, dallacsiinta shaqaalaha, magacaabidda iyo hawlgabka.

– Waxa aanu kala talinaynaa waxbarashada iyo tababarka awoodaha xirfadeed ee milatari, oo ay ka mid tahay farsamada ciidanka, anshaxa iyo aaminsanaanta iyo waajibaadka askariga.

– Waxa aanu baadhis iyo beddelaad ku samaynaynaa, hubka iyo qalabka milateri (si aanu u horumarino amniga ugana beddelno walxaha khatarta
keeni kara).

– Waxa aanu dhisaynaa dibna u cusboonaysiinaynaa qalabka iyo kaabayaasha kale, oo ay ku jiraan hoyga, tababarka iyo kaydintu.

Qaar ka mid ah caawimooyinkani waxa ay u muuqdaan in ay u baahan yihiin in guddida cunaqabataynta ee Qaramada midoobey ay ansixiso, waanuna ka codsan doonnaa sida ay hadba lagama maarmaan u noqoto annaga oo u eegayna. Waxa aan rajaynayaa in aad nala qabtaan aragtidayada ah faa’idada caawimadan oo qayb ka ah dadaalkayaga aanu ku taageerayno ammaanka gobolka. Haddii arrimahan aad wax su’aal ah ka qabto imika ama mar dambe, waxa ii farxad ah in aan ka jawaabi doono.

Marka nabad iyo xasilooni ka badan inta imika jirtaa ay ka aslaaxdo Muqdisho iyo koonfurta iyo badhtamaha, dabcan waxa aanu awoodi doonnaa in aan tixgelinno caawimo noocan ah oo aanu siinnno hay’adaha amniga ee hoos taga TFG taladeeda.

Waxa aan jecelahay in aad jawaabta igu soo celiso iyadoo qoraal ah si aan u xaqiiqsado in aad ila fahamtay wax diidmo ahna aanad ka qabin caawimada aanu soo jeedinnay. Waxa aan sugayaa jawaabtaada arrinta khusaysa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com