LAAS-GEEL: “Dadkii Ku Noolaa goobtaa 3000 oo Sano Ka Hor oo Taariikh u reebay dadka maanta nool ”
(maantasomaliland)Raadadka sawir gacmeedka ah ee ku xardhan buuraha Laas-geel waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu faca weyn bariga qaaradan Afrika. Waxaa la rumaysan yahay inay ka badbaadeen taariikh laga soo bilaabo 3000 dhalashadii Nebi Ciise ka hor (CS). Muuqaalada sawiradan oo ay ka mid yihiin, dad, xoolo, ugaadh iyo xayawaano kale.
Sannadkii 2003, ayaan markii ugu horaysay booqday goobtan, bishan March,13keedii oo booqdayna waxay ahayd markii labaad.
Wakhtigan iyo wakhtigii horena waxa iiga muuqday is bedel ku saabsan muuqaalka sawirada, hase ahaatee ilaalada goobtu igumay raacin, waxaana ay ii sheegeen in ay tahay jawiga xilligan oo abaar ah.
Goobta Laas-geel oo 55km dhinaca waqooyi bari ka xigta Hargeysa, waxa xilliyadii hore la aaminsanaa inay tahay goob jin iyo quruumo kale ku noolaan jireen, dadkuna ma geli jirin, waa sababta la rumaysan yahay inay sawiradani u badbaadeen. Muuse Cabdi Jaamac oo 75 jir ah, kana mida ilaalada Laas-geel, deegaanka Laas-geela ku noolaa ilaa sanadkii 1969, ayaa ii sheegay inuu soo gaadhay Sheekh Xaaji Jaamac Buux, oo deegaankaa caan ka ahaa oo dadka ku wacdiyi jirey inay goobtan degan yihiin quruumo jin ah, oo aanay dadka is aqoon, sidaa awgeed ay haboon tahay inaan loo tegin.
Jaamac Axmed Maxamed oo isna ka mida deegaanka Laas-geel goobtana muddo dheer yaqaanay, ayaa isna sheegay in goobtan loo yaqaanay dhagaxii jinka, xilliyada reeruhu soo ag degaana riyo cascas loo qali jirey, kadibna dhiiga iyo hilibka qaar looga tegi jirey. Sidoo kale dad kale oo badan oo deegaankaa ah, ayaa rumaysnaa in ay goobtu tahay goob karaamaysan.
Jaamac Axmed waxa kale oo uu sheegay in wasiirkii hore ee Wasaarada Dalxiiska Dr. Cismaan Bile oo xilka wasaarada hayay April 2003 ilaa 2006 uu dhowr jeer siyaaro u sameeyey oo riyo u qalay, hase ahaatee wasiirkii ka dambeeyey, Cabdirisaaq Waaberi Rooble aanu siyaaro u samayn, hoos u dhaca dhinaca dalxiiska ee goobtana Jaamac Axmed waxa uu wax ka saarayaa arrimahan.
Laas-geel waxay ka kooban tahay 8 god oo waaweyn. Godka kowaad oo ah godka ay ku xardhan yihiin sawirada ugu badan, waxaa ilaalada goobtu ku sheegeen in loo malaynayo, goobtii farshaxanka iyo hal abuurka, godka labaad oo ugu balaadhan waxa lagu tilmaamaa goobta shirarka. Godka saddexaad oo leh meel sallax ah oo u eeg kursigii uu ku fadhiisan jirey boqorkii ama hogaamiyihii bulshada halkaa ku noolayd, waxaa lagu sheegaa inuu ahaa qolkii khudbadaha dadka balaadhan. Godka toddobaad oo ugu xigga dhinaca waqooyi, ayna ka muuqdaan qolal koob-koobaan (cells) iyo dalool weyn oo daaqad laba dhinac furan u eeg, waxa lagu tilmaamay goobtii gaadhka iyo jeelka dadka denbiga sameeya lagu xidhi jiray. Godadka kale waxay u muuqdaan kuwo si caadiya loogu noolaan jirey.
Cali aw Siciid oo ka tirsan Wasaarada Dalxiiska, ayaa sheegay inaanay goobtani ka madhnayn goob cibaado, dadka qaarkiina waxay tilmaamayaan in lo’da lagu caabudi jirey, balse ma cadda. Goobta Laas-geel waxay ugu caansan tahay, 140 goobood oo ay ku xardhan yihiin sawirada qadiimiga ah ee godadka lagu sameeyo loona yaqaano, rock arts or cave paintings oo dalka ku kala filiqsan. ilaa iyo sannadii 1945, hase ahaatee caalamka intiisa kale waxay aad u barteen sannadkii wixii ka dambeeyey sanadkii 2002, wakhtigaas oo ay booqdeen koox Faransiis ah oo ka socota Jaamacada Paul Valery Montapellier III Universite ee Faransiiska. Sida laga soo xigtay baadhitaano ay soo bandhigeen khubaradii ka socotay jaamacada Montapellier III,raadadka sawir ee ku xardhan godadka Laas-geel waxay kala yihiin 15 sawir oo muuqaalo dad ahi ka muuqdaan, 68 muuqaalo xayawaan ah iyo 25 isugu jira waxyaabo kala duwan.
Laas-geel waxay UNESCO ku dartay goobaha loo aqoonsan yahay in ay taariikhda ka horreeyeen (prehistoric), waxa sannadkii dalxiis u yimaada 250 ilaa 300 oo shisheeye, waxa kale oo si joogto ah u booqda ardayda dugsiyada.
xasan xuseen