Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta ammar ku bixiyay joojinta raritaanka ciida Iron-ta Xeebta Batalaale oo labadii maalmood aee u danbeeyay ay halkaas ka socdeen hawlgallo lagu rarayo oo dalka debediisa loo iibgeynayo.‏

Berbera, March, 17, 2011-(maantasomaliland)- Bdhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta ammar ku bixiyay joojinta raritaanka ciida Iron-ta Xeebta Batalaale oo labadii maalmood aee u danbeeyay ay halkaas ka socdeen hawlgallo lagu rarayo oo dalka debediisa loo iibgeynayo.

Waxa habeen hore oo taariikhdu ku beegnayd 15, March, 2011 si qarsoodi ah habeenimadii ay shirkad lagu magacaabo Horn Mining Company ka bilowdey raritaanka Ciida madow ee Iron-ta, kuwaasoo ay u adeegsanaysay cagafyo, iska-rogooyin iyo shaqaale faro badan oo ka hawlgelayay, kuwaasoo xilli habbeenimmo ah ciidaas ku daabulay halkii ay ku ooli jirtay dekeddii hore ee Berbera oo haatana ah meel ay ku xidhaan doonyaha yar yar ee kalluumaysigu, halkaasoo loogu diyaariyay gaadiidkii ka sii qaadi lahaa.

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland ka soo saartay raritaanka ciida qaaliga Iron-ta, haseyeeshee Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo maalmahan ku sugnaa magaalada Hargeysa, balse maanta markii uu ku noqday magaalada Berbera ee uu ka warhelay ciida la rarayo waxa uu gaadhay Xeebta Batalalaale ee ay ka socota hawsha raritaanku, isagoo ku war geliyay inay joojiyaan, islamarkaana ciidii ay sideen ka rogay laba iska rogo.
Berbera, March, 16, 2011-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta ammar ku bixiyay joojinta raritaanka ciida Iron-ta Xeebta Batalaale oo labadii maalmood ee u danbeeyay ay halkaas ka socdeen hawlgallo lagu rarayo oo dalka debediisa loo iibgeynayo.

Waxa habeen hore oo taariikhdu ku beegnayd 15, March, 2011 si qarsoodi ah habeenimadii ay shirkad lagu magacaabo Horn Mining Company ka bilowdey raritaanka Ciida madow ee Iron-ta, kuwaasoo ay u adeegsanaysay cagafyo, iska-rogooyin iyo shaqaale faro badan oo ka hawlgelayay, kuwaasoo xilli habbeenimmo ah ciidaas ku daabulay halkii ay ku ooli jirtay dekeddii hore ee Berbera oo haatana ah meel ay ku xidhaan doonyaha yar yar ee kalluumaysigu, halkaasoo loogu diyaariyay gaadiidkii ka sii qaadi lahaa.

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland ka soo saartay raritaanka ciida qaaliga Iron-ta, haseyeeshee Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo maalmahan ku sugnaa magaalada Hargeysa, balse maanta markii uu ku noqday magaalada Berbera ee uu ka warhelay ciida la rarayo waxa uu gaadhay Xeebta Batalalaale ee ay ka socota hawsha raritaanku, isagoo ku war geliyay inay joojiyaan, islamarkaana ciidii ay sideen ka rogay laba iska rogo.

Weriye ka tirsan shebekadda Berberanews oo goobjoog ahaa markii uu badhasaabka Saaxil gaadhay Xeebta Batalaale iyo goobta ay hawsha ciida laga rarayaa ka socoto, ayaa waxa uu halkaa kula kulmay ninka masuulka ka ah shirkadda Horn Mining oo magaciisa ku sheegay Cabdoo, waxaannuu weydiiyay inay ruqsad u haystaan rarista ciida iyo in kale, waxaannu ku jawaabay “Ciidan waxaanu u raraynaa tijaabo qorshahayaguna waxa weeye inaanu lix cisho ku rarno illaa 6000 oo tan oo ciid saafiya ah, markaa waxaa la qaaday sarfay xaga sare laga qaaday, dabadeed ciidan ayaanu calaamka u iibgaynaynaa hadii ay noo suura gasho, dawladuna way ogtahay oo ruqsad ayey nasiisay.
intaa ka dib waxa goobta yimi Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo amar ku bixiyay in la joojiyo rarista ciidan isla markaa saddex iska rogo oo uu leeyahay ganacsadaha AL HARBI iyo waliba saddex cagafcagaf oo iyana rarayey ay joojiyaan isla markaana ay rogaan ciida saran.””

Guddoomiye Ramaax oo isagana aanu wax ka weydiinay tallaabada uu ku joojiyay raritaanka ciidan, ayaa yidhi, “Marka hore waxaan amar ku bixiyay in la joojiyo Waxay nimankani gurayeen Iron, annaguna wixii wadanka wax u taraya ma diidayno, laakiin sharciyadoodii baa kala dhiman oo ma haystaan ogolaanshihii Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsiga. sidaasaanu ku joojinay.”

Inkasta oo aan si rasmiya loo hubin cida iska leh shirkadda Horn Mining Company oo addeegsanaysa gaadiid iyo cagafyo tiro badan, hadana waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo farta ku fiiqay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland inuu isagu sammaystay shrkadan oo uu cid kale ku magacaabay, sidaa daraadeedna isagoo uga faa’iidaysanaya xilka uu qaranka u hayo shirkado shisheeye heshiis kula galay inuu ka iibiyo ciida Madow ee Iron-ta

Xeebta berbera ee Batalaale waxay caan ku ah ciida madaw ee wakhtiyadii hore loo isticmaali jiray warshadii sibidhka , haatanse waxay u muuqataa inay gashay nidaam ganacsi oo aan loo soo marin sifihii sharciga ahaa.

Weriye ka tirsan shebekadda maantasomaalilandoo goobjoog ahaa markii uu badhasaabka Saaxil gaadhay Xeebta Batalaale iyo goobta ay hawsha ciida laga rarayaa ka socoto, ayaa waxa uu halkaa kula kulmay ninka masuulka ka ah shirkadda Horn Mining oo magaciisa ku sheegay Cabdoo, waxaannuu weydiiyay inay ruqsad u haystaan rarista ciida iyo in kale, waxaannu ku jawaabay “Ciidan waxaanu u raraynaa tijaabo qorshahayaguna waxa weeye inaanu lix cisho ku rarno illaa 6000 oo tan oo ciid saafiya ah, markaa waxaa la qaaday sarfay xaga sare laga qaaday, dabadeed ciidan ayaanu calaamka u iibgaynaynaa hadii ay noo suura gasho, dawladuna way ogtahay oo ruqsad ayey nasiisay.
intaa ka dib waxa goobta yimi Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo amar ku bixiyay in la joojiyo rarista ciidan isla markaa saddex iska rogo oo uu leeyahay ganacsadaha AL HARBI iyo waliba saddex cagafcagaf oo iyana rarayey ay joojiyaan isla markaana ay rogaan ciida saran.””

Guddoomiye Ramaax oo isagana aanu wax ka weydiinay tallaabada uu ku joojiyay raritaanka ciidan, ayaa yidhi, “Marka hore waxaan amar ku bixiyay in la joojiyo Waxay nimankani gurayeen Iron, annaguna wixii wadanka wax u taraya ma diidayno, laakiin sharciyadoodii baa kala dhiman oo ma haystaan ogolaanshihii Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganacsiga. sidaasaanu ku joojinay.”

Inkasta oo aan si rasmiya loo hubin cida iska leh shirkadda Horn Mining Company oo addeegsanaysa gaadiid iyo cagafyo tiro badan, hadana waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo farta ku fiiqay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland inuu isagu sammaystay shrkadan oo uu cid kale ku magacaabay, sidaa daraadeedna isagoo uga faa’iidaysanaya xilka uu qaranka u hayo shirkado shisheeye heshiis kula galay inuu ka iibiyo ciida Madow ee Iron-ta

Xeebta berbera ee Batalaale waxay caan ku ah ciida madaw ee wakhtiyadii hore loo isticmaali jiray warshadii sibidhka , haatanse waxay u muuqataa inay gashay nidaam ganacsi oo aan loo soo marin sifihii sharciga ahaa.
yuusuf aadan
berbera

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com