Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Nigeria Oo Ku Hadhay Wareegga 16-ka iyo France Oo Iska Xaadiriyay Kulanka 8 Kooxood

Kooxda xulka Qaranka Nigeria,ayaa lagu reebay wareegga 16-ka ka dib ciyaar adag oo dhex martay xulka Qaranka Faransiiska.

Haafkii hore ee Ciyaarta ayay labada qaran ku kala nasteen 0-0 aanay waxba kala dhalin iyadoo labada kooxood ay inta badan ahaayeen qaar mid kastaa dhankiisa aad moodaysay in uu u soo diyaar garoobay in uu guusha hantiyo iska markaana ahayd weerar iyo weerar celis.

Waxaa inta badan weerar badnayd oo weerarkuudu ku badnaa dhanka kooxda kale kooxda Nigeriya oo la moodayay in ay iyadu yeelan doonto gacanta sare siday u ciyaaraysay.

Laakiin markii haafkii dambe la isugu soo noqday waxaa weerar iyo dar dar weyn ku soo galay xulka dalka fransiiska oo la yimi weeraro hor leh oo ay ku qaadayeen dhanka goolka nayjeeriya.

Ciyaartiina waxau ku dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday xulka qaranka France oo labada goo lee ay ku badiyeen mid ka mid ah ya iska dhaliyeen difaaca kooxda Nayjeeriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com