Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Oo ka Hadlay Culayska Abbaartu Ku Soo Kordhisay Biyo Yaraantii hargaysa‏

“Waxaanu Shaqaalaha Xarumaha Biyo Soo Saarka Mushaharkii U Kordhinay 40%, Halka Shaqaalaha Xarunta Aanu U Kordhinay 20%”
Hargeysa (Somaliland.Org)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa maanta ka waramay culayska ay biyo yaraanta ka jirtay caasimada ay ku sii kordhisay abbaarta ba’an ee dalka ka jirtaa.
Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay shaqaalihii ka hawl gali jiray xarumaha biyo soo saarka Geed-deeble iyo Biyo Shiinaha ay u kordhiyeen mushaharkii 40%, halka shaqaalahana xaruntana ay u kordhiyeen 20% oo uga bilaabmaysa bishan March.
Maareeyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu maanta siiyay shabakada wararka ee maantasomaliland.
Maareeyaha Wakaalada Biyuhu wuxuu ugu horayn tafaasiil ka bixiyay xaalada guud ee wakaalada Biyaha waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in aan Wakaalada Biyaha marxaladdihii ay soo martay, halkay xilligan marayso iyo biyo la’aanta ina haysata in aan in yar ka waramo, sidaynu ka war qabno markii wakaaladda biyaha Hargeysa, la aasaasay oo soddon sanadood laga joogo, waxa magaaladda ku noolaa 160 kun oo qof.
Imikana caasimaddii Somaliland ayay noqotay oo dad aad u badan ayaa yimid, waxa ina soo galay dad badan dibad ka yimi iyo dad badan oo wadamadda jaarka ah ee dhibaataddu ka taagan tahay waxa la wada cabayaana waa xaddigii biyaha ahaa ee loogu tallo-galay 160 kun oo qof.
Anagu muddadii lixda bilood ahayd ee aanu joognay wax badan ayaanu ka qabanay nidaamka wakaaladdu u shaqeyso, waxaanu kicinay saddex ceel oo fadhiyay, waxaanu keenay mishiino cusub kuwo kalena waanu dayactirnay, imika intan wakaaladdu ku shaqayso wax warwar ahi nagama hayo in mishiin bakhtiyo labada xarumood ee biyo soo saar ee Geedeeble iyo Biyo Khadar labaduba waxa ay leeyihiin mishiino keyd ah oo marka mishiin wax ka xumaado la istaadho, arrintaasi oo aan hore u jiri jirin oo anagu aanu imika samaynay.”
Maareeyaha wakaaladda biyuhu wuxuu ka deyriyay jilaalka adkaaday iyo biyo yaraanta iskaashaday, waxaanu yidhi “Wax kasta oo aad samayso waxa kala awood badan wixii dadku u baahnaayeen iyo haynteenna biyaha, imikana dhibta nahaysataa waxa weeye waxa dhacay jiilaal adag oo Ilaahay haddii aanu inaga soo furan ay xaaladu adkaanayso.
Waxa dhacday dadweynihi dacalada magaalada deganaa ee aanay biyuhu gaadhi jirin ee booyadaha ka cabi jiray, waxay booyadihii u baxeen miyiga oo ay dadka abaaruhu hayaan u dhaamiyaan, waxa kale oo culays nagu haya baabuurta caanaha keena oo iyaguna galabtii caagad kasta oo caano lagu keenay waxa lagu sii shubaa biyo, waxaan Ilaahay ka beryaynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo. Bilihii November, December iyo January dadku aad ayay biyaha uga mahad sheeganayeen oo ay lahaayeen, wax badan ayaa biyihii iska bedelay laakiin bishan March, waxa jira cabasho badan. Saaka oo kale xaafada Maxamed Moogge oo aan waligeed aan ka cabin biyo wakaaladeed oo ku taala cidhifka magaalada, ayaa waxgaradkoodii halkan iiga yimaadeen oo ay yidhaahdeen, waxaanu la’nahay booyado aanu dhaansano, huteelka Ambassador oo kale waxa uu lahaa ceel oo wuu ka gudhay. Xafiiska ayay igu yimaadeen huteelada iskandaneefiyaanka iyo Star, markaa waxaanu samaynay ceel ku yaala Geedeeble oo Number shanaad (five) la yidhaahdo oo heeganna markaa cidii booyada adag wadata ee wadada rafka ah mari karta waanu ka jabinay qiimo ahaan oo 7500 SL, ayaanu ka dhignay mitir kuyuubkii booyaddaha u dhaaminaya xaafadaha booyadaha ka caba ee magaalada. Si aanu u dhiirigelino in ceelkaasi laga doonto biyaha, markaa huteelada waaweyn oo kale way mahadiyeen oo biyaha, waxa loogu doonaa Geed-deeble, dhibaatada xilligan jirta waa booyadihii dadweynaha u dhaamin jiray oo miyiga u baxay.”
“Jiilaalka ka hor waxay mishiimada biyo soo saarku shaqayn jireen 22 saacadood oo laba saacadood oo qudha ayay mishiinaddu bakhtiisnaan jireen, imikana mishiinaddu waxay istaadhan yihiin 23 saacadood iyo badh. badhkaasna waxaanu eegnaa saliidda mashiinadda, iyadoo aanu sidaasi u shaqaynayno hadana biyihii dadka kuma filna.
Waxaanu dadweynaha reer Hargeysa u soo jeedinaynaa inaynu Ilaahay ka barino inuu inaga soo furto abaarta oo haddii roobku da’o wax badani kala qaboobi doonaan,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.
Maareeyaha Wakaaladda oo aanu weydiinay xaalada shaqaalaha wakaalada waxa iska beddelay daryeelkooda, wuxuu yidhi “Wakaaladda Biyaha shaqaalaheedu way ka duwanaayeen shaqaalaha kale ee dawladda waayo wakaaladu waa meel wax soo saar oo gaarkeeda isku maamusha, marka horeba way ka mushahar badnaayeen shaqaalaha kale. Markii dawladu mushaharkii u kordhisay shaqaalihii kale khasab waxa nagu noqotay anaguna in aanu wax isku dayno, markaa shaqaalihii ku sugnaa xarunta biyo soo saarka ee Geed-deeble iyo biyo shiinaha ee hadh iyo habeen taagan oo markii horena ka mushahar badnaa shaqaalaha kale ayaanu haddana u kordhinay 40%, shaqaalaha dawlada haddii 300% loo kordhiyo haddana wali waxa ka mushahar badnaanaya shaqaalahayaga.”
Shaqaalaha xarunta ee Hargeysa jooga waxaanu go’aan ku gaadhnay in aan bishan March laga bilaabo aanu u kordhino mushaharkoodii 20%, shaqaalihii waxaanu u samaynay giraydhno siman oo waxa dhici jirtay laba qof oo isku hawl ah in qofna qaato 380 kun SL, ka kalena qaato 670 kun, imika waxaanu siinay intii isku giraydh ahba mushahar isku mid ah.”
Maareeyuhu waxa uu intaasi ku daray inay dayactir ku sameeyeen xarunta wakaalada biyaha.
Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo la weydiiyay in wakaaladu bedeshay dhaqan ahaa in biilka biyaha laga qaado oo qudha dadka dan yarta ah oo madaxdu ay ku cabi jireen lacag la’aan, wuxuu yidhi “Anigu waxaanu qaadanay in si siman lacagta biyaha looga qaado qofka madaxda ah iyo hooyada carruurta agoonta ah suuqa tamaandhada ugu iibisa, intii aanu anigu joogay qof qudha oo magac leh oo aan biilka biyaha laga qaadini ma jiro. Marka laga reebo dhawr ka mid ah madaxdii hore ee dalka oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenaddii hore ee dalka soo maray oo iyagana aan madaxtooyada u gudbinay si looga bixiyo oo qorshe loogu sameeyo. Ma jirto cid kale o lacagta laga daayay, haddii aan biyaha biilkooda la bixin wakaaladu isma wadayso.”
Maareeyuhu waxa kale oo u sheegay in uu la wareegay 250 kun oo dollar oo deyn ah, isla markaana ay bixiyeen qadar ka mid ah deyntaasi.
Maareeyuhu wuxuu sheegay in markii u horayay ay wakaalada biyaha u sameeyeen kayd lacageed oo lagu daboolo baahiyaha degdega ah, isla markaana aanay gelin wax deyn ah.
Maareeyuhu wuxuu dadweynaha ku dhaqan caasimaddu ay iska bixiyeen biyaha ay cabaan si kor loogu qaado adeegga wakaalada biyaha, waxaanu tilmaamay in la toosiyay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya wakaalada iyo shacbiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com