Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

‘Imika Waxaan Ahay Guddoomiye Xisbi Ee MurashMa Ihi’ax’

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay xiligan haboonayn in la furo ururo siyaasadeed, basle loo baahan yahay in la galo doorashadii Goleyaasha deegaanka oo uu tilmaamay inay aad u muddo dhaaftay.
Waxa kale oo uu sheegay in ragga ku baaqaya in la furro ururada siyaasada ay intooda badani ka dudeen xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu  caawa siiyay TV-ga Qaranka.
“Ninka KULMIYE ah ee  ka biyo diida ee yidhaahda urur kale ayaan furanayaa oo waan kula tartamayaa waanu soo dhawaynaynaa laakiin waxaan u baahan nahay uun in ciyaarta iyo tartankaa aynu galayno sharciga ilaalino.waxaynu nahay dal dimuqraadi ah oo tartanka ku kala baxay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Md. Muuse Biixi wuxuu sheegay in sadexda xisbi qaran haddii ay xataa soo dhaweeyaan furashada Ururada siyaasadda inaanay sharci noqonayn oo loo baahan yahay in laga xalaaleeyo Goleyaasha Baarlamaanka  “Sadexda xisbi qaran  xataa haddii ay isku dhawayaan in la furo Ururada siyaasada sharci ma noqonayo, waayo waxa loo baahan yahay in  Goleyaasha sharci dejinta la geeyo . marka Golaha Wakiiladdu ansixiyo waa in Guurtiduna  ku raacdaa ka dibna waxa uu sharci noqonayaa marka Madaxweynuhuna ansixiyo.  Waxaan xasuustaa xisbiyadii  1968-kii waxa magaalada Hargeysa oo qudha ka furnaa 17 xisbi. Xiliyadii olalaha ay ku jireen maalinba xisbi ayaa soo bixi jiray waxay ka sinaaneen  kalmad qudha oo waxay  odan  jireen “Cirka yaa leh, Anagaa leh, dhulka yaa leh anagaa leh.waayo aragnimadii laga helay xiligaas waa ta imika sababtay in xisbiyadii la yidhi  sadex ha lagu soo koobo.”
“Waad ogtihiin maanta  ciidankii dhaxan ayaa laysay. Ciidankeenii heegan ayuu ku jiraa, waxaan ka baqaynaynaa cadow la yidhaahdo Argagixiso oo aan la garanayn meesha uu ka imanaayo ayaa ka jira geeska Afrika oo aynu ka mid nahay. Sadexda xisbi qaran waxaad garan kartaan dhaqaalaha inagaga baxay. Waxaan qabaa in xiligan lagu jiro aynaan ka gaadhsiin Karin in ururro la furo ee waxaan odhan lahaa waxa inoo fiican inaynu doorashadii Goleyaasha deegaanka ee muddo dhaaftay aynu galno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Md. Muuse Biixi wuxuu sheegay ragga dalbanaya in la furo ururada siyaasada intooda badani ay ka dudeen  xisbigiisa  markii ay ka waayeen dantoodii isagoo arrintaasi hadlayayna wuxuu yidhi  “Ragga maanta leh xisbiyada ha la furo waxay intooda badani ka dudeen xisbiga KULMIYE  oo ay ka ahaayeen Madaxweyne Ku Xigeen iyo Guddi fulineed markii ay dantoodii ka dhex waayeen. Waxa haboon in la is weydiiyo ma waxa digtaytar ah ninka ninka xisbigiisii ku jira, mise ka duday ee doonaya inuu furto xisbi uu kaligii maamulo.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku dooday in xisbigiisu yahay mid furfuran oo ay dhaqan u tahay dimuqraadiyada iyo rog rogida talladu, waxaanu tilmaamay in ay waayo  arag ku yihiin dimuqraadiyada iyo loolanka siyaasadeed.
Muuse Biixi oo la weydiiyay inuu isu soo taagayo doorashada madaxtinimada shan sanadood ka dib waxa  uu yidhi “Xisbigayagu sharci ayuu leeyahay  waxa weeye qof kasta oo ka mid ah  Golaha Dhexe wuu isa soo sharixi karaa marka xiligaas  la gaadho ayaa ninkii dareenkaasi ku
jiraa is sharaxi doonaa. Imika ma ihi murashax ee waxaan ahay Guddoomiye Xisbi.”

xuseeen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com