Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaarada Warfaafinta Oo Ka Hadashay 58 Shaqaale Ah Oo Ay Ka Hakiyeen Mushaha

Wasaarada Warfaafinta Oo Ka Hadashay 58 Shaqaale Ah Oo Ay Ka Hakiyeen Mushaha Hargeysa (maantaSomaliland)- Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay 58 shaqaale ah oo ka tirsan TV-ga Qaranka kuwaasi oo ka cabanayay in mushaharkoodii laga hakiyay ka dib markii ay saxeexi waayeen buug ay dhawaan wasaaraddu soo rogtay in shaqaaluhu saxeexaan. War-saxaafadeed aan cidina ku saxeexnayn oo laga soo saaray Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta ayaa lagu sheegay in mushaharka shaqaalaha loo hakiyay si loo hubiyo kuwa shaqadooda ka soo baxa iyo kuwa sag-saaga ah. waxa kale oo wasaarada Warfaafintu ay ku hanjabtay inay talaabo adag ka qaadi doonto wax ay ugu yeedheen shaqaalaha aan xilkooda gudan. War-saxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:- “Iyadoo la tixgelinayo lana raacayo nidaamka isbedel ee saacadaha shaqada la soo galo, loona baahan yahay in waxqabad dhab ah oo la taaban karo ay ka muuqdaan wasaaradda warfaafinta iyo wacyi -gelinta hawlaheeda kala duwamn , ayaa waxa lagama maarmaan noqotay in wasaaraddu soo saarto war-saxaafadeed ku lug leh arrintan oo u dhigan sidan.: War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta , waxa uu farayaa dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda inay dhawraan saacadaha shaqada , gaar ahaan ta wasaaradda oo hawlaheeda shaqo ku saleysan yihiin kaltan shaqo, sidaa darteed waxa looga digayaa in cid allaale cidii u gudan weyda hawsha loo xilsaaray sida ay tahay laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku darayaa in shaqaalihii laga hakiyey mushaharka ee Telefishanka ay ujeeddadu ahayd in la kala hubiyo qofka shaqeeyey iyo ka aan sooba shaqo tegin , waxana la siiyey digniin intii gudan weyday xilkooda, waxanu warsaxaafadeedku uga digayaa in aanay dib dembe xil gudasho la’aan ugu kicin.” xuseen xarbi hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com