Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa habeennimadii xalay kulan afura la qaatay jaaliyadda Somaliland iyo tageerayaasha xisbiga,

uci3 Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa habeennimadii xalay kulan afura la qaatay jaaliyadda Somaliland iyo tageerayaasha xisbiga, waxaana kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Waxaa erayo soo dhaweyn ah ka jeediyay madaxa xisbiga UCID ee dalka Maraykanka, Xasan Yoonis oo ku billaabay inay ku sugan yihiin kulanka dhammaan taageerayaasha xisbiga UCID, isagoo sheegay inay u tahay farxad in kulanka aad kasoo qaybgasho mudane guddoomiye.

uci3Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay laba xubnood oo ku hadlaya afka Dirta Koonfureed, kuwaasoo u mahadceliyeen Dawlada Somaliland iyo siyaasiga Faysal Cali Waraabe.

Dadkii kale ee hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Axmed Ismaciil Samatar isagoo sheegay in xillagan uusan ka mid ahayn xisbiyada Somaliland.

uci3“Waxaan doonayaa inaan labo eray idhaahdo dadka Somaliland ee kulankaan fadhiya, arrin kalena waxaan hordhigayaa Dirta Koonfureed oo qaarkood aan Xamar isku soo aragnay kana mid ah reer Somaland, waxaa jira wax badan oo laga wada-hadal marka kulannadaan oo kale l isugu yimaado sida biyo la’aanta, waddooyinka xun-xun, 20-kii sano waa la dadaalay laakiin guulihii la gaaray waxaa ka weyn shaqada la qabtay. Dalka in la wada-yeeshana waa laga maarmaan,” ayuu yiri Prof. Samatar.

uc3Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay noqoto dhul la wada leeyahay haddii aysan dhicinna waxaan dib ugu noqonaynaa halkii aan ka mid ahayn. Dirta Koonfureed wuxuu kula taliyay urur inay yeeshaan, madax yeeshaan noqdaanna dad leh meel loogu soo hagaago.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa isagu khudbaddiisa ku billaabay inuu kasoo laabtay shir shir ka dhacayay Mexico, Talaadada soo socotana uu ballan ku leeyahay magaalada Washington.ucid2ucid1

uciduc11uc1fa iyo axmed“Waxaa taagan dhibaatadii 1960-kii markii Somaliland ay xowrday ay shuruud la’aan la midowday Soomaaliya inteed kale ama gobollada Koonfur ku yaalla. Hadda waxay yidhaahdeen gooni baan isku taagaynaa lamana marin habkii aqoonsiga lagu heli lahaa, mar kastana waxay ahayd waxaan qorsheysnay 23-kii sano ee Somaliland ay jirtay, waxaa haysatay qorshe xumo iyo talo-xumo. Haddana Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-galno doorashada shanaad ee Somaliland, waxaana rabnaa inaan wax badan qabanno sidii aan u bedeli lahayn baarlamaanka hadda jira ee iska fasaxa sharci walba. Waxaan kaloo doonaynaa inaan dib u mideyno Somaliland. Waxaana la furaynaa wada-hadallo maamullada kale sida Khaadumo. Shirkii Taleexna wuxuu ahaa mid dhibaato u keenaya Somaliland,” ayuu yiri Enj. Faysal.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalada Shabeellada Hoose, isagoo xusay in dhibaatada Dirta qura aysan haysan balse ay sidoo kale haysato dadka loogu yeero Bantu-ga oo aan lahayn cid u hadasha. Bantuuga waqooyi way dhibaataysan yihiin waana dad tuman, isagoo eedda u dhasha ka saaray Roadmap-ka.

“Balaayo Map, maanta ma ahan 1960-kii oo la is qiyaameyn jiray cid walba cod bay hadda leedahay. Jubbooyinka waa dhul cusub oo hadda uun la kala boobayo,” ayuu hadalkiis ku sheegay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Wuxuu ammaan u jeediyay madaxwaynayaashii hore ee Somaliland wixii ay qabteen sida Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Ugu dambeyn, waxaa iyagana goobta ka hadlay xoghayaha arrimaha dibadda UCID Yuusuf Budle, madaxa xisbiga ee Waqooyiga Ameerika, Cali Qaalib, odayo waxgarad reer Minnesota ah oo aad u soo dhaweeyay Feysal Cali Waraabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com