Dadweynaha Reer Laascaanood Oo Cadho weyn Ka Muujiyay Bandow Ay Xukuumada Somaliland Ku Soo Rogtay Magaaladaas.
Laascaanood (maantasomaliland) Mar.19, 2011 – Dadka ku nool Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa cadho weyn ka muujiyay bandow ay ku soo rogtay xukuumada Somaliland, ka dib markii saddex habeen ka hor dablay hubaysani toogasho ku dishay guddoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobolka Sool.
Bandoogan ayaa soconaya 6-da fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo, kaas oo dadka ku fasirayaan in uu yahay mid lagu cabudhinayo xoriyadooda dhaqdhaqaaqa, iyada oo boqolaal ciidamada booliska Somaliland ah lagu arkayo wadooyinka iyo goobaha kale ee Magaalada, sida ay khadka Telefoonka ugu xaqiijiyeen shabakeda wararka ee Ramaasnews ee qaar ka mida shacabka Magaalada Laascaanood.
Dhanka kale wararka ka imanay Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in boolisku ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro lagu tuhunsanyahay dilkii guddoomiyhii maxkamada racfaanka oo waji deganaansho la’aan ah ka abuuray guud ahaan gobolkaas.
maxamed cali
laascaanood