Faysal Cali Waraabe Oo Su’aal Geliyay Inuu Mar Sadexaad Isa Soo Sharaxayo Iyo In Kale

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo muddo laba jeer ah ku guul daraystay doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay sanadihii 2003-dii iyo 2010-kii, ayaa ka war-wareegay isla markaana su’aal geliyay inuu banaynayo xilka uu ka hayo xisbigaasi iyo inuu ka hadhayo tartankii doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyuhu waxa uu si kulul u duray dadka ku doodaya in la furo ururada siyaasadda oo uu ku tilmaamay inaanay wadin danta dalka.
“Waxaan u aragnaa xisbi ahaan dadka ururada siyaasadeed doonaya in aanay danaynayn danta iyo maslaxadda dalka, xisbiyadeenu way korayaan oo way adkaanayaan ee ma aha inaynu furno ururo siyaasadeed iyadoo aynu ognahay in bulshadeenu qabiil ku dhisan tahay oo jilib waliba furan doono urur siyaasadeed,”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo caawa u waramayay TV-ga qaranka.
Guddoomiyuhu wuxuu ku dooday in qofka doonaya inuu mursax noqdo looga baahan yahay inuu galo xisbiga oo uu maal geliyo isla markaana dedaal badan geliyo dhismaha xisbiga.
“Xisbiyadeenu way is bedelayaan oo way furan yihiin, waxaad ogtihiin in KULMIYE uu Siilaanyo baneeyay xilkii Hoggaanka xisbiga, UDUB waxa aasaasay Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal markii uu baneeyay Rayaale ayaa qabtay oo isna imika banaynaya. Anigu wali maan go’aansan doorashada dambe inaan ka qayb galo yaabaa inaan baneeyo, laga yaabaa inaan joogo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ku soo biira xisbigooda ay ka qeyb geliyaan hoggaanka dalka waxaanu yidhi “Waxa hore noogu yimi Prof. Maxamed Cismaan Fadal, waxa markiiba aanu ka dhignay Guddididii qaban qaabada shirweynaha markii shirweynihii la gaadhay waxaanu ka dhignay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad iyadoo dad badani lahaayeen dusha ayaa nalagaga keenay, waxa noo yimid Aadan Waqaf oo Wasiir ahaa waxaanu ka dhignay Guddoomiye Ku Xigeenka labaad. Waxa kale oo noo yimid Maxamed-rashiid waxaanu ka dhignay Murashax Madaxweyne Ku Xigeen markaa qofkii noo yimaadaba sidaasi ayaanu ka yeelaa.”
xuseen xarbi
hargaysa
somaliland