Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khilaafka U Dhexeeya Kaluumaysatada Wadaniga Ah Iyo Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Ah Oo Sii Xoogaysanaya Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Dhex Qarxo.

Khilaafka U Dhexeeya Kaluumaysatada Wadaniga Ah Iyo Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Ah Oo Sii Xoogaysanaya Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Dhex Qarxo.


Saylac (maantasomaaliland) Mar.20, 2011 – Wararka ka imanaya Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal, ayaa sheegay in uu sii xoogaysanaya khilaaf ka u dhexeeya kalluumaysatada wadaniga ah iyo maraakiibta kalluumaysiga ee shisheeyaha ah oo lagu eedaynayo in ay xaalufinayaan khayraadka badda ee dalka.

Muranka ayaa salka ku  haya maraakiibta shisheeyaha ah oo si aan hanbo lahayn u jilaabanaya kalluunka iyo ugaxantiisa, isla markaana buburinaya shabakedaha ay dhigtaan kalluumaysatda danyyarta ahi, waxana la sheegayaa in uu ismaandhaafkan uu sababi karo dagaal hubaysan oo dhexmara labada dhinac, iyada oo iskaashatada kalluumaysatada Saylac la sheegay in ay isu diyaarinayaan dagaal ay ku qaadayaan markaabiibtan.

Guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatasada Galbeedka Somaliland Saleebaan Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan Magaalada Saylac, ayaa nidar ku maray in aanay faraha ka laaban doonin dhibaatada ay maraakiibta shisheeyuhu ku hayaan xeebaha ay ka kalluumaystaan, kuwaas oo ku eedeeyay in ay si ula kac ah u xaalufinayaan badda iyaga oo isticmaalaya shabaag xaaqaya ilaa ugxanta kalluunka, waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada in ay masuul ka tahay mushkiladan oo keeni karta dagaal culus, haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban khilaafkan.

Mar aanu isku daynay in aanu arrintaa wax ka waydiino masuultan iskaashatada kalluumaysatada noo ay suurta galin, laakiin waxa Magaalaga Saylac iyo deegaan ku dhaw ee xeebta ku laalaya la dareemayaa san-saan dagaal.

saylac

faandaam

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com