Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khilaaf Hadheeyay Golaha Deegaanka Hargeysa Iyo Dooda Maayarka Ito Mudaneyaasha Ka Soo Horjeeda

Khilaaf Hadheeyay Golaha Deegaanka Hargeysa Iyo Dooda Maayarka Iyo Mudaneyaasha Ka Soo Horjeeda
Hargeysa (maantaSomaliland.) – Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta mar kalle u kalla baxay laba kooxood. Islamarkaana dagaal afka ah oo aan waxba la isu reebin is weydaarsaday.
Ugu horeyn Tobaneeyo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa xukuumadda ugu baaqay inay hantidhowr geliso maayarka Caasimadda Hargeysa iyo ku xigeenkiisa oo ay ku eedeeyeen musuq-maasuq baaxad leh oo ay sheegeen inay caddaymo u hayaan.
Xildhibaanadan waxaa ay sheegeen inay baadhitaanka arrintaas gacan ka gaysan doonaan. Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ah guddoomiyaha gudida arrimaha bulshada ee golaha deegaanka Hargeysa oo ka hadlay shirkan jaraa’id, ayaa sheegay in mushkilada musuqmaasuqu ay ahayd mid soo jiitamaysay muddo dheer, taas oo uu tilmaamay inay saamayn ballaadhan ku yeelatay wax qabadka golaha deegaanka oo noqday mid ay ku hungoobeen shacabkii soo doortay. waxaana uu yidhi “Dawlada Madaxweyne Siilaanyo waxa ay ballanqaaday la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida ummada , anaga oo tixraacayna qodobkii ay ummada codka kaga heleen, ididiilo ayaa noolaatay markii aanu aragnay is badelka dhacay. Maayarka Hargeysa waxa uu maroorsaday awoodii oo dhan, waxa uu doono ayay ku kacaan isaga iyo maayir ku xigeenkuba, cadayn ayaanu u haynaa musuqmaasuqa ay galeen oo waxa ka mid ah dhulkii danta guud oo ay ku iibsadeeb si sharci daro ah” Sidaas ayuu yidhi Kirix.
Sidoo kalle, waxaa iyana kullankaas ka hadlay xidhibaano door ah oo tilmaamay in golaha deegaanka Hargeysa ka socon waayay gudoomiyaha.
Dhinaca kalle, Maayarka caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo eedan si deg-deg ah uga jawaabay isla maantaba ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay, waxaana uu dhiniciisa ku tilmaamay mudanayaasha dalbaday hanti-dhowrka kuwo gabay kaalintii ay lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com