Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

laba Mashruuc oo lagu Fulinayay Garoonka Diyaaradaha Berbera oo maanta Xaflad loo Sameeyay.

laba Mashruuc oo lagu Fulinayay Garoonka Diyaaraha Berbera oo maanta Xaflad loo Sameeyay.

 

xafladaa manta furay Maamulaha Garoonka diyaaradaha ee berbera Axmed Maxamed Cawaale

Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa manta lagu qabtay Garoonka caalimiga ah ee ay diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada berbera xafladan oo xadhiga lagaga jrayay mashaariic laba ah oo ayaamahanba shaqadoodu ka socotay garoonkan diyaaradaha ee berbera ayaa waxa xadhig ka jarkii xafladan manta ka soo Qeyb galay masuuliyiinta heer Gobol. heer Degmo ee Gobolkan saaxil iyo wasiirada duulista iyo hawda iyo Ganacsiga iyo dalxiiska iyo waliba aggaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawada waxanay labadan mashruuc ee manta xadhiga laga jarayay kala ahaayeen mashruuc ay fulinaysay dawlada hoose ee berbera kaas oo ahaa dhismaha wado dhererkeedu yahay(400)oo mitir wadadaas ayaa ah ta isku xidha Terminalka ay passengerku ka adeegtaan iyo Ran wayga diyaaraduhu kahaadaan ama parkinga ay diyaaraduhu istaagaan marka ay passengerka dajinayaan wadadaas oo gabi ahaanba ahaan jirtay wado burbursan oo aanay waxba ka joogin ayaa waxa hore dhismaheeda ubalan qaaday Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab oo isagu labadii cisho ee udanbeeyayna madaarka ku kalahaayay si uu wadadaa udhameystiro waanu ku guuleystay oo manta ayaa wadadaa xadhiga uu kajaray duqa degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab oo wiigii hore loo aqoonsaday hormoodka maayarada soomaaliland mar ay maayarad degmooyinka soomaaliland oo dhami siminaar amaba wada tashi shaqo ku lahaayeen xarunta Gobolka saaxil ee berbera mashruuca labaad ayaa ahaa mashruuc ay fulintiisa laheyd wasaarada duulista iyo hawada ee soomaaliland oo isagu ahaa qalabka kamaradaha(Security Camra)oo lagu xidhaayay dhamaan Terminalada Arrivalka iyo Departureka iyo waliba kamarado qeyb kamida oo lagu xidhay agagaarka Terminalada oo dhan waxaanay kamaradahani xafidayaan dhamaan dhaqdhaqaayada cidkasta oo ka soo agdhawaanta terminalada waxa intaa dheereyday oo iyana manta shaqadeeda bilawda aalada qeylisay marka ay dareento amaba madaarka lala soo galo walxaha qarxa iyo hubkaba.
Waxaana xafladaa manta furay Maamulaha Garoonka diyaaradaha ee berbera Axmed Maxamed Cawaale isaga oo umahad naqay maamuluhu dhamaan Masuliyiinta halkaas isugu timi iyo marti sharaf kale oo iyana ka soo qeyb gashay xafladan xadhiga laga jarayay labada mashruuc waxaanu maamuluhu ugu horeyn xaflada ku soo dhaweeyay Duqa Degmada berbera Cabdalle Maxamed Carab waxaana hadaladii Duqa Degmada berbera kamid ahaa”Waxa sharaf weyn in aanu ka soo qeygalo furitaanka labadan mashruuc ee is huwan waxaana naga go.an dawlad hoose ahaan in aanu ka qeyb qaadano wax kasta oo gobolkan lagu horumarinayo waana himiladayada koowaad kor uqaadida bilicda madaarku waxa intaa ii raacda oo aan umahad naqayaa wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamoud xaashi Cabdi oo runtii mudadii koobneyd ee uu xilka wasaaradan hayay waxbadan qabtay mudana in lagag deydo wax qabayadiisa muuqda ee aan la xaqir karin waanan ku hambalyaynayaa sida lawada ogyahayna xitaa maalinta jimcaha ee uu nasashada leeyahay ma nastee madaarka berbera ayuu yimaada amaba madaarada kale.wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamoud Xashi Cabdi ayaa isna aad ugu dheeraaday mashaariicda garoonka berbera laga fuliyay intii ay talada dalka la wareegatay xukumada kulmiye isaga oo sheegay marka laysu geeyo mashaariicda laga fuliyay garoonka berbera ku tilmaamay in ay yihiin (8)sideed mashruuc oo labadani ku jiraan waxaanu wasiirku amaan gaarana u soo jeediyay Duqa degmada berbera Cabdala Maxamed Carab oo uu sheegay in uu isbedelkii dalka ka dhacay siwanaagsan ula jaanqaaday waxbadan oo muuqdan uuqabtay waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa”Madaarkan berbera waxa uu kamid yahay garoomada caalamka kuwa ugu wanaagsan maaha quruxada iyo dhismayaasha ee waxan ka hadlayaa Ran Wayga waxaanu inoogu fadhiyaa qiime weyn oo aan la qiyaasi karin intii aanu joogay wasaaradan waxbadan ayaanu ka qabanay kaligayna maan qabane waxa igala hawgalay shaqaalaha wasaarada gaar ahaan kuwan garoonka berbera iyo maamulka degmada berbera maamulka gobolka saaxil maareeyaha dekeda berbera iyo waliba shirkada dhismayaasha quruxda badan fulisay ee Amal Construction Company waxa aan sigaara ugu mahad naqayaa Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab oo saaxiibkaya si weyna iila shaqeeyay oo wadadaa quruxda badan ee aad arkaysaan fulinteeda leh Gobolka oo dhana wax badan ka qabtay waxaanan leeyahay Maayar Cabdale waxa uu la jaanqaaday isbedelkii dalka kadhacay xisbiga uu doono ha noqdee waa nin hawl kara oo waajibkiisii ka soo baxay aniga dhinacayga waa masuul qiima leh waxan intaa raacin lahaa waxa garoonka laga ka fulay sideed mashruuc oo labadani ku jiraan runtii waxabanina way hadheen waxqabadku intaa kuma eekaanyo himiladayadun waa sidii aanu madaarkan berbera uga dhigi laheyn madaar lamid kuwa caalamka.Wasiirka wasaarada Ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif ayaa isna halkaa maan uga jeediyay wasiirka wasaarada duulista iyo hawad iyo maayarka Degmada berbera oo uu shegay in ay labadaa masuulba wax muuqda oo lataaban karo qabteen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamoud Cali Hayste(Ramaax) ayaa isna sheegay in aanay waxqabadkii xukumada Axmed Siilaanyo ku balan qaaday aanu boqolkii cisho ku eekeyn ee shanta sanadoodba waxqabadka xukumadu socon doono .

Maaha markii ugu horeysay ee garoonka diyaaradaha ee berbera ay xukumadani wax kaqabato ee waxa hore looga fuliyay mashaariic horu marineed oo dadweynaha xidhiidhka joogtada ah lalihi ku diirsadeen waxaana la odhan karaa garoonkani waxa uu ahaa mid ka dulman dakhliga ka soo bixi jiray wakhtigii xukumadii uu madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale kaahin imikana sida uu umuuqdo waxa la filayaa in uu noqdo mid kamida madaarada ugu bilicsan madaarada geeska

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com