Xildhibaanno ka Tirsan Golaha Degaanka Hargeysa oo Shaaca ka Qaaday inay Hayaan Caddaymo Musuqmaasuq

“Saddexdii wax ka qaban lahaa amma gujin lahaa mushaharbay ka qaataan Jiciir, Hantidhawraha Guud mushaharbuu ka qaata oo wa la og yahay, Xeer-ilaalintana cid baa ka qaadata mushahar oo waa la og yahay, CID-dana cidbaa ka qaadata oo iyana waa la og yahay”
Xildhibaan Yuusuf Kirix
Hargeysa (somalilandfuture)-20-03-2011 Toban xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa ;maanta sheegay inay hayaan caddaymo rasmi ah oo muujinaaya musuqmaasuq iyo lunsi hanti qaran oo uu galay Maayir ka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamed Jiciir. Shir-jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen hudheelka Xaraf ee magaaladaa Hargeysa, waxay si kulul ugu weerareen Maayir Jiciir oo ay ku eeddeeyeen inuu ku takrifalay awoodihii golaha degaanka iyo xatooyi xoolo ummaddeed, kuwaas oo ay sheegeen inay caddaymo buuxda u hayaan.
Waxay xildhibaannadu sidoo kale eedaymo u jeediyeen Hantidhawrka guud ee qaranka, xeer-ilaalinta iyo ciidanka CID-da oo ay ku tilmaameen inay shuraako kula yihiin musuqmaasuqan, isla markaanay indhaha ka qarsadeen xaqiiqooyinka musuqmaasuq ee ka jira dawladda hoose ee Hargeysa.
Tobankan xildhibaan ee ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysi waxay xukuumadda Siilaanyo ka dalbadeen inay si degdeg ah u soo farageliso mushkiladaha musuqmaasuq ee siddeeda sannadood soo ragaadiyey golaha degaanka.
Ugu horreyn Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Degaanka Mr. Yuusuf Kirix Cawad oo uu jeedda shirkan jaraa’id ay u qabteen ka hadlaaya waxa uu yidhi; “Waxaannu ugu talagalnay shirkan jaraa’id inaanu ugu caddayno bulshada reer Hargeysa, xaaladay maanta marayso dawladda hoose ee Hargeysa, maahana markii ugu horreysay ee aannu ka hadalno, laakiin in badanbaannu hadalnay oo aan dheg-jalaq na loo siin xukuumaddii hore, maanta rajo cusub waxa na geliyey maamulka cusub ee madaxweyne Siilaanyo oo aannu tix-raacaynay qodobaday ololaha doorashada ku galeen qodobka 8aad, kaas oo ahaa la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida ummadda, ayaa annaga oo taa daba socona cod dheerna ku qaylinayna, waxaannu leenahay magaaladda Hargeysa maamulkii dawladda hoosee ee ka jiray waxa uu marayaa halkii ugu xumayd intii uu taariikhda soo jiray, waxaanan leeyahay noolaatay ididiiladii naxashka saarnayd.
Waxaannu cid walba oo nagala shaqaynaysa wax ka qabashada arrintaasi taabsiin doonaa halkay martay hantidii dawladda hoose. Muddooyinkii ugu horreysay maayiradu way baqi jireen oo 13 cod, ayaa lagu ridi jiray, markii 17 looga dhigay ayey xadhiga goosteen, markaa in cod lagu ridaa macquul maaha.
Mida labaad saddexdii wax ka qaban lahaa amma gujin lahaa mushaharbay ka qaataan Jiciir, Hantidhawraha Guud mushaharbuu ka qaata oo wa la og yahay, Xeer-ilaalintana cid baa ka qaadata mushahar oo waa la og yahay, CID-dana cidbaa ka qaadata oo iyana waa la og yahay.
Xukuumaddii hore raalibay ku ahayd oo gacantay la galin jirtay, xukuumaddana haddaanay waxba ka qaban waa la eegi halkay ku dambayso.”
Mr. Ismaaciil Cabdi Cige (Caymis) oo ah Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Maayir Jiciir ku dhaqmin miisaaniyadda oo lacagta uu maalin kasta lunsadaa tahay kun doollar ($1000), taas oo wax weyn ka qaban lahayd baahidda caasimadda.
“Markaannu dabagal samaynay maalin kasta lacag kun doollar ku dhaw ayaa baaba’da oo la lunsadaa, bishiina noqonaysa $30,000 (Soddon kun oo dollar) oo caddaana ah, taas oo aannu u caddaynayno cid kasta u diyaar u ah in la badbaadiyo hantida ummadda,” ayuu yidhi Mr. Caymis.
Xildhibaan Maxamuud Qasbaaye oo ah guddoomiyaha dhulka ee golaha degaanka iyo Cabdixakiin Maxamed Xuseen oo ah isaguna Guddoomiyaha nabadgelyada, ayaa iyaguna caddeeyey inay dawladda hoose ku fashilantay samaynta waddooyinkay ka midka ahayd waddada 150-ka.Xildhibaannadani waxay ballan-ku-qaadeen inay maalmaha soo socda ay soo bandhigi doonaan fadeexadaha muga leh ee uu ku kacay maayirku.
Siciid Xuseen Yuusuf,