Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Barnaamijka Ganacsiga,Toddobaadkan waxaanu barnaamijka ganacsiga ku boqoonay shirkadda UNIECO CONSTRACTION oo magaalada Hargeysa iyo gobllada dalka ka hirgelisay dhismayaasha casriga iyo dib u habaynta dhiska duuga

Barnaamijka Ganacsiga

Shirkadaha Dhisku Waxay ka Qayb Qaataan Shaqo Abuurista Dalka

eng cabdi qaadir libaan

Toddobaadkan waxaanu barnaamijka ganacsiga ku boqoonay shirkadda UNIECO CONSTRACTION oo magaalada Hargeysa iyo gobllada dalka ka hirgelisay dhismayaasha casriga iyo dib u habaynta dhiska duuga haddabba mar aanu xafiiskiisa Mr C/qaadir Iiibaan oo ah Injineer ka hawlgala shirkadaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyay adeega ay shirkadani qabato iyo aasaaska xilligii la bilaabay waxaanu yidhi “Shirkaddan waa shirkad dhisme iyo la filinbaa, waxaanan ka jirnaa (Trade Building). Buddhiga shirkadan waxaanu furnay 2004 oo asaaskeeda lahaayeen niman injineero ah iyo dhaqaalayahan isu yimid iyadoo baahi loo qabay in la helo dhisme casriya, maadaama oo dalkeenii ka soo noqday burburkii dagaaladii kaasi oo markii dalka lagu soo noqday ayaa waxa adkaatay in burburkii dib loo dhisto, oo boqolkiiba sagaashan dalku wuu burburay in toban sano markii laga soo doogay burburkaasi waxay keentay in nin waliba wixii sii yara kabkabto oo magaaladii caasimad noqotay oo ay haykalkii caasimadnimo buuxiso, mana hawlyar taasi, oo waynu ognahay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray oo mid walia duruufteeda watay.

Waxqabadkayagii ugu horeeyay waxa uu ahaa in aanu markii aanu nimid dadka wax dhis aanu ka caawino xagga aqoonta oo dadkani 30 sano oo dagaalada ka horeeyay ayaa dadka la cadaadinaayay oo loo diiday in wax ay dhistaan, waxna bartaan oo nimankayagaasi waxaanu isu gaynay waxyaabo badan haday tahay xaggii dhaqaalaha, qorshayntii iyo waliba khasaare yarayntii waxaanan hoga tusaalaynay shirkadihii hore u jiray iyo kuwo cusub. Eng. C/qaadir waxa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo badan oo maanta caasimaddu u baahan tahay town Plane jiri karaa 50 sano ee soo socdaa oo caasimadu waxay markasta laga eegaa town plane ka iyo dhismayaasha-ba.

Markaa shirkadayadani waxay taabo gal ka dhigtay dhismayaal badan oo maanta bilicda caasimadda wax ka tartay iyo qaar dhisan oo nashaqad casriya lagu qabeeyay.

Injineerku isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay oo ahayd adeega ay bulshada u qabtaan waxa uu yidhi “Adeega bulshada aanu u qabanaa waxa weeye waxaanu us amaynaa (evoluation) ama qiimayn oo qofku markuu doonayo inuu guri dhisto dhulka ayaanu u iibinaa iyadoo aanu u eegayno meeshu ma tahay meel ku haboon oo biyo leh, qiime jaban, dabadeed warbixin ayaanu siinaa waana muhiim in qofku helo macluumaad, waayo war baa ugu gaajo kulul intaasi dabadeed waxaanu u samaynaa design-kii ama nashqadii, iyadoo aanu ku tusno hab casi ah oo ‘software technology’ oo maanta dunida casriga ah laga isticmaalo. Waxa kale oo aanu saamayn (Building survey) oo ah in dhismaha gurigaasi ama meeshaasi u yahay mid cusub, ama mid halkaasi ka sii soconaaya u baahan in la dumiyo ama mid u baahan ‘rehabilitation’ dib u habayn, oo tusaale ahaan huteelkan inagu dhow ee Imperialka oo wejigii uun laga badal. Waxa kale oo aanu qabanaa isu qiimaynta samaynta jidadka, sidoo kale waxa ka mid ah madaarka shaqada aanu qabana waa injineerin ‘Civil Engineering’.”

Su’aal kale oo la weydiiyay Eng. C/qaadir ayaa ahayd himilada mustaqbal ahaan ay hiigsanayaan dhisme ahaan, waxaanu yidhi “Mustaqbalka Ilaahaybaa haya marka hore, balse waxaanu la talaabsanaynaa hadba halka uu marayo horumarka dalku, waxaynu leenahay khayraad fara badan mid badeed iyo mid beriba isla markaa lagu tabco ee waxa yare e aynu haysano guntiga dhiisha layskaga dhigo oo aynu habaysano, isla markaana bulshada qurba jooga ahi loo ogolaado maalgashi in dalkooda ka samaystaan, waa horumar, annaguna horumarkaas ayaanu la talaabsanaynaa. Haddii taa la waayana dhammaantood waxay noqonayaan fadhiid, isla markaas hor fadhi uun waa horumar la’aan.”

Injineerka oo ka jawaabayay in dhismayaashan ay sameeyaan uu gaadhsiisan yahay gobollada dalka waxa uu yidhi “Shirkadani waa shirkad balaadhan oo ka hawlgasha dhammaan gobollada Somaliland, taasi ka samaysaa dhismayaal kala duwan oo guryo qurux badan ayaanu ka samaynaa, iyadoo uu yahay mid casri ah oo ah ka maanta dunida laga isticmaalo, waxaanan ku salaynaa dhismahayaga hadba deegaanka uu jooga iyo qiimaha uu taagan yahay gurigaasi, oo Saaxil, Boorama, Burco waxaanu ka dhisnay guryo badan. Sidoo kale waxa xafiisyadayadu ka furan yihiin gobollada dalka oo dhan.

Ijineer C/qaadir mar la weydiiyay su’aal ahayd in shirkadaha dhigooda ahi waxay qayb weyn ka yihiin shaqo abuuris bulshada.

Isagoo injineerku ka jawaabayay su’aal ahayd kaalinta ay ka qaataan shaqo abuurista waxa uu ku jawaabay “Runtii markaynu ka hadlayno shaqo abuurista kaalinta aanu ka qadano waxaan ku odhan karaa waa mid balaadhan oo maanta la taaban karo iyadoo guud ahaan in shirkadaha dhiska markoodii horeba 50% ayay ka qaataan shaqo abuurista, taasina waa mid muhiima oo u baahan tashkiilin badan waana mid mudan oo waayo maanta shirkadahii dhismaha waxa saaran culays badan oo dollar-kii waxa uu marayaa 5000, taasi dollar-kaasi waa mid samayn fara adan ku yeeshay bulshada gaar ahaan shirkadaha dhismaha. Waxa loo baahan yahay in dawladii kab ka samaysato lana timaado qorshe wax lagaga qabanaayo tusaale, ahaan haddii aan soo qaato wastaadkii aanu siinaynay 60 kun ama 80 kun annaga waxba, hoos ugama dhigi karno oo maanta 20 dollar waxa uu isugu soo ururay 100,000 (boqol kun), halka awal uu ka ahaa 12 $ markaa 8$ baa na raacay, halkaana waxaanu kala kulanay culays fara badan.

Hadda waxaan dawladda u soo jeedin lahaa in ay wax ka qabtaan oo ay hoos u eegaan arrimaha aan soo sheegnay, isla markaana ay tixgelin wayn siiyaan waayo, shan iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay tirada shaqaalaha ugu badan waxa qaadanayay waa shirkadaha dhismaha, markaa maadaama ay hayadaha dhismaha kaalinta intaa ka jiraan shaqaalaynta bulshada Somaliland. Markaa anigu waxaan odhan lahaa waa in tixgelin mudan la siiyaa shirkadaha dhismaha.” Aniga shakhsiyan waxa ila shaqeeya 20 qof markaa gabigooda ahaddii laysku darana shaqaalaha ka hawl gala shirkada dhismaha UNIECO kuwa joogtada ah iyo kuwa ahaynba waxay yihiin ilaa 400 oo qof. Markaa haddii shirkadaha dhisku fadhiisaan oo meesha ka baxaan waxay keenaysaa in shaqaalaha intaas l’eeg tiradoodu markii laysku geeyo noqonayaan ilaa 12,000 (kun laba boqol) ee shaqaalaha haddii ay waayaan culayskoodii waxa uu ku soo baxayaa xukuumada talada haysa, waxaan leeyahay bal arrintaasi dawladu hoos ha u eegto oo shirkadaha dhismuhu waa ay dulman yihiine waa in mar kasta xaaladooda lala socdaa.

la soco cadadaka danbe

 xuseen xarbi

 hargaysa

maanta somaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com