Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

GEERI Naxdin leh marxuum maxamuud maxamed aadan dhoolayare oo shalay ku geeriyooday magaalada london inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajucuun

ALE HA U NAXARIISTEE.waxaa magaalada londhon shalay ku grriyooday oday magac wayn ku leh dalak somaliland  marxuum maxamuud maxamed aadan dhoolayare oo ka mid ahaan jiray 1960 golaha deegaanka hargaysa intaanu dhiman aabihii maxamuud dhoolayare oo ganacsade wayn ka ahaa mandaqada geeska afrika gaar ahaana dhinaca dhoofinta hargaha isagoo aabihii ahaa ninkii somaliyaaed ee ugu horeeyay in uu yeeshi doon.

marxuum maxamuud maxamed dhoolayare oo ahaa ragii ugu magaca waynaa dalkii  somaaliaya  laysku odhan jiray waxaa uu hadana ka mid ahaa ganacsatada waawayn iyadoo dawladii kaligii taliyaha ahaa ee siyaad bare cadaadis wayn saartay

iyadoo waagii sanadihii kun sagaal boql dhawr iyo sideetankii ay si badheedh ah oo cad ay ka qaaday dhismaha ay dhawaan xaraashtay dawladan somaliland ee wasaarada duulista iyo hawada oo markaasi uu ruufka sare marinaayay dabeetana jeelka ku xidhay iyadoo dawladii siyaad beesha uu kasoo jeedo ee isaaq awgeed arintani ugu fulisay

ilaa haatana aan wali meel loogu badalin

marxuumku waxaa uu ahaa nin deeqsi ah oo dadka jilicsan caawin jiray isgoo la dhashay ganacsadayaashii yuusuf dhoolayare iyo cismaan dhoolayarae iyo imaaciil oodhawan isana london ku geeriyooday isagoo marxuumku ahaa nin taariikh wayn ku leh somaliland

ale ha u naxariistee markii danbe ee lasoo daayay waxaa caafimaad ahaan uu u joogay dalka ingiriiska  isagoo ifka  kaga tagay sideed ubad ah sadex wiil iyo shan hablood  iyo xaaskiisii marwo hooyo saado xaaji aadan

Ala ha u naxariistee waxaa maalinta bari ah oo jimce ah lagu aasi doonaa magaalada london salaada jimce marka lagu tukado .anagoo idiin soo gudbin doona taariikh nololeedkiisii

shaqaalaha shabakadamaantasomaliland.com iyo dhamaan  saxaafada somaliland waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuum maxamuud maxamed dhoolayare inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun

la soco

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com