Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaflad Loo Sameeyay Shay-baadh Loo Keenay Jaamacada Hargeysa
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaflad Loo Sameeyay Shay-baadh Loo Keenay Jaamacada Hargeysa
March 22nd, 2011
Hargaysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loo sameeyay shaybaadh casri ah oo shirkada Isgaadhsiinta ee Nation links
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay xafladdii jaamacadda wuxuu yidhi “Maahmaah baa ahayd buurta maalin lama qaadi karo, laakiin buurta waa la qaadi karaa haddii maalinba in la qaado. Isku tashiga ummada reer Somaliland waa ka keenay in jaamacadahan maanta dalka ka furan oo markii la furayay ay dadka intooda badani u arkayeen in aanay suuro gelayn. Dadkeenu waxay hore u soo arkeen uun jaamacado wax waliba u dhan yihiin, wayse la yaabanaayeen dugsiyaddii sare ee Camuud iyo Hargaysa ayaa jaamacaddo laga dhigayaa, intii yarayd ee u dhabar adaygtay waa inagaa arkayna inta jaamacado ee maanta Somaliland ka furan.”
“Jaamacadda codsiyadeeda aad ayaanu u maqlaynaa, dawladdan cusubina waxay ku balan qaadnay in aanu wax weyn ka qabano tagayada wax barashada tacliinta sare waxaana dhawaan la soo saari doonaa oo la magacaabi doonaa guddidii waxbarashada tacliinta sare.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, isaga oo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay yaan nala dhaliilin maadaama oo aanu sannadkii ugu horeeyay ku jirno oo aanu dhaxalnay duruufo dhaqaale. Miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadu waxay hore uga hayd miisaaniyaddii hore 3 %, haddana waxaanu ka dhignay 8%. Taasi waa tallaabo hore loo qaaday. Sannadaha dambena waxaanu rajaynaynaa in kor looga sii qaado.”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Laabkani uu wax weyn ka tarayo horumarinta waxbarashada jaamacadda Hargaysa, “Jaamacaadduhu waa hoyga waxbarashada ee laga soo qaato cilmi baadhisyada iyo daraasada, sida aad la socotaan waxaa la hirgeliyay oo dawladdu dhaqaajisay hay’addii tayada agabka (quality control), hayddaasi waxay baadhi doontaa agabka, cuntada iyo dawada dalka soo gasha. Hay’adani waxay u baahan tahay meelo ay daraasado ay ka qaadato, waanan u mahad celinayaa shirkadan shaybaadhka keentay jaamacadda Hargaysa.”
Guddoomiye Ku Xigeenka Shirkada Nation-link Mahad Xaashi Jaamac, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Jamaacada Hargeysa ku wareejiyaan Laabkii iyo Dhismihii la dhigayay oo ay ka dhex dhiseen xarunta Jaamacada waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay maanta inaanu laabkii iyo dhismihii oo dhamaystiranba ku wareejino Jaamacadda Hargeysa,iyadoo uu goob joog ka yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, laabkani wuxuu waxtar u yahay ardayda qeybta Sayniska.”
Mahdi Xaashi waxa uu intaasi ku daray in Laabkan uu ku kacay lacag dhan $ 45 kun oo Dollar.
Sidoo kale, waxa ka hadlay xafladaasi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Cabdi Cilmi oo u mahad celiyay shirkada Nation-link ee ugu deeqday Jaamacadda shaybaadhkan. Waxaanu sheegay inay baahi weyn u qabeen shaybaadhka.