Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa cambaareeyay mudaharaad ay dhawaan ka dhigeen dalka Ingiriiska kooxo taageera nabad-diidka SSC ee taageerada ka hela maamulka budhcad-badeeda Garoowe.
Hargeysa, March, 23, 2011-(maantasomaliland)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa cambaareeyay mudaharaad ay dhawaan ka dhigeen dalka Ingiriiska kooxo taageera nabad-diidka SSC ee taageerada ka hela maamulka budhcad-badeeda Garoowe.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo waraysi siiyay laanta af-soomaaliga idaacadda BBC-da, ayaa farriin uu u diray kooxaha mudaharaadka ka dhigay dalka Ingiriiska oo ku andacoonayay in dawladda Britian taageero milateri u fidisay Somaliland ay tahay mid ka fog waaqiciga iyo xaqiiqda jirta, islamarkaana been abuur tahay in Somaliland xasuuq ka geysatay Buuhoodle iyo Kalshaale, “Waxaan qabaa cid qarnigan xasuuq samaysaa ma jirto, wax xasuuqa oo Somaliland geysatay ma jirto, waxaan u arkaa niman aan ogayn waaqica dalka iyo dadkaba ka jira, cid dhibato loo geystay ma jirto, ummadda Somaliland buuhoodle, laascaabood,iyo lawyacado waa isku mid, waanaan cambaaraynayaa mudaharaadka London, Ingirisku hub nama siiyo, laakiin waa adeegyo dhinaca aadanimmada ah sida caafimaadka, waxbarashadda.”
Madawey-ku-xigeenku waxa uu ugu baaqay kooxaha taageera nabad-diidku inay dhibaatada ka daayaan Somaliland si caawimoyinka iyo gurmadka abaaraha ee socdaa u gaadhaan deegaannadaas, waxaannu yidhi, “Dadka si wax loo taro dhibaatada hanaga daayaan si iyagana caawimooyin u gaadhaan, ma qabo inay cadow gacan u fidin doonaan, anagoo biyihii abaaraha wadna, haday ka dayn waayaana qaybtooda ayay dhibaatada ku leeyihiin.”
Mr. Saylici oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay furashada ururadda siyaasadeed ee laydheedu ka socota Somaliland waxa uu yidhi, “Waxaanu balan qaadnay inaanu ururada furi doono, balantiina kammaanu biixn, markaa xisbi baanu ahayn, xaaladaha badan ee dalka ka jira awgeed tallo qaran ayanu qaadanay, waxay shacabku go’aansadaan ayuunbaa hirgelaya. Guddida uu Madaxweynuhu u saarayna waxa ka soo eegayaan dhinacyada sharciga, rayiyga dadka ayay ka soo, ummadu waxay qabto ayay qaadanayaan.”
xuseen xarbi hargaysa
maantasomaliland.com