Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada Ilaalada Xeebaha gobolka Sanaag ayaa Shalay Galab Gacanta ku dhigay lix nin oo Budhcad Baddeed ah

Hargeysa (maantasomaaliland) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha gobolka Sanaag ayaa Shalay Galab Gacanta ku dhigay lix nin oo Budhcad Baddeed ah, taas oo ay ka qabteen Biyaha Rabshiga oo 30 Km dhinaca Bari ka xiga Degmada Maydh, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor.
Taliyaha Ciidanka Ilaada Xeebaha gobolka Sanaag Mr Otor ayaa intaasi ku daray mar uu u waramayey idaacada VOA-da in lixdaasi nin ee budhcad baddeeda ahi ay u dhasheen Punltnad, waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya “Waxaanu lixdan nin ee Budhcad Baddeedka ah oo u dhashay maamulka Puntland aanu ku qabanay Galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,”.
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee Budhcad Baddeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan maraakiibta, waxaana uu yidhi “Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay”
Taliyuhu waxa kale oo uu amaan u soo jeediyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka ku soo qabtay, waxaanu sheegay in nimankani ay ku xidhan yihiin Saldhiga Degmad Maydh, isla markaana la hor geyn doono Maxkamad .
Ma aha markii u horaysay ee Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ay Gacanta ku dhigaan kooxaha budhcad badeeda waxaana jiray illaa shan kooxood oo hore oo lagu qabtay biyaha Somaliland isla markaana lagu maxkamadeeyay dalka. sharcigana la hor keeno

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com