Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Soo Saaray Liiska Xubnaha Komiishanka Xuquuqal Iisaanka Qaranka Oo Uu Ku Jiro Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Xukuumaddii Daahir Rayaale.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Soo Saaray Liiska Xubnaha Komiishanka Xuquuqal Iisaanka Qaranka Oo Uu Ku Jiro Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Xukuumaddii Daahir Rayaale.
Hargeysa (maantasomaliland) –Mar.24, 2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu soo saaray liiska Magacyadda dadka uu u xushay inay noqdaan Komiishanka xuquuqal iisaanka qaranka oo in muddo ah lagu hawlanaa soo xulidooda.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno dad ku dhadhow aqalka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegaya in Madaxwayne Axmed Siilaanyo komiishanka xuquuqal Iisaanka uu u xushay todoba xubnood oo isugu jira saddex dumar ah iyo afar rag ah.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in xubnahan Madaxwaynaha Somaliland u xushay inay noqdaan komiishanka xuquuqal Iisaanka uu ku jiro Wasiir ka tirsanaan jiray xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.
Sidoo kale, waxa la sheegay in xubnaha komiishanka xuquuqal Iisaanka ay ku jiraan xubno hore uga mid ahaa komiishankaas, kuwaas oo la tilmaamay in dib loo soo xulay.
Waxa la filayaa in sabtida todobaadka dambe si rasmi ah loo shaaciyo oo lagu dhawaaqo, dabadeedna loo gudbiyo golaha wakiilada Somaliland si ay u xalaaleeyaan komiishan-nimadooda.
Soo xulida xubnaha komiishanka ayaa hore Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo gudi ugu saaray si ay u soo xulaan xubno u qalma komiishanka xuquuqal Iisaanka Qaranka
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland